1000 ARDAY OO MAANTA U FADHIISTAY IMTIXAAN AY DOWLADA TURKIGU SII NAYSO DEEQ WAX BARASHO OO BILAASHA AH 150 AR DAY EE IMTIXAANKA UGU SAREEYA

Ardaydaan ayaa Maanta u fariisatay Imtaxaan hal maalin ah kaasi oo Ardaygii ku gulaysta uu helayo Deeq Waxbarasho, Dalka Turkiga ah, islamarkaana maalinta bari ah lagu dhawaaqayo Ardayda Ku guulaysatay Deeqda Waxbarasho.
Waxay iskugu jiraan Ardaydaan, Kuwo Haysta Shahaadooyinka Dugsiga dhexe oo loo qadanayo Dugsi Sare iyo kuwa Haysta Shahaadooyinka Dugsiga Sare oo loo qadanayo Jaamacad, Ardaydaan ayaa waxay ka kala yimaadeen, Gobolada, Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan, Ayagoona Saaka U faristay Imtaxaan lagu kala xulayo, Waxaana la doonayaa sida wararka ay sheegayaan ku dhawaad 150 Arday, Imtaxaanka Ayaa waxaa qaadaya Aqoon
yahano u dhashay Dalka Turkiga, Ayadoona Sidoo kale ay saxayaan, islamarkaana waxaan jirin musuq maasuq ku aadan, Ardayda la xulayo.
Barnaamijkaan deeqda Waxbarasho oo ay heleen Ardayda Waxkabarata Deegaanada Galmudug, islamarkaana Haysta Shahaadooyinka Dugsiyada Dhexe iyo Sare, ayaa waxaa ka danbeyay Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin, kadib Kulan aan la shaacin uu Magaalada Muqdisho kula yeeshay, Madax ka socota Dawlada Turkiga, Ayadoona ay fulisay Wasaarada Waxbarashada Galmudug.
Dhanka kale Guud ahaan Dalka Soomaaliya waxaa ka socda Imtaxaano sidan oo kale ah, Ayadoona Dawlada Turkiga, Ardayda Soomaaliyeed ugu deeqday Waxbarasho, Dalkeeda ah, hase yeeshee lama oga in dhamaan Ardaydaan la geyn doono Gudaha Dalkaasi, maadaama Ay jiraan Wadamo kale oo balan qaaday deeq waxbarasho.
Dhan walba hajirtee Waa markii ugu horaysay ee Deeq Waxbarasho Dawlada Turkiga ay siiso, Ardayda Soomaaliyeed,
liibaan C/laahi Faarax Qaran
SBC International Gaalkacyo
libaanqaran10@hotmail.com
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post