Hooyo Somali ah oo dagan magaalada Winnipeg (Canada) ayaa labadeedi  caruur mindi gelisay, cunug baby ah iyo mid sagaal jir ah, mindidaas oo  walaasheed kula dagaalantay inay ka qabato.  Walaasheedna waxa la  sheegay inay mindi gashay la dagaalankaas laakiin isla maalintiiba  cisbitaalka laga soo daayay.  Hooyada ayaa hada ka hor askarta dhib ka  gashay oo ahayd mid ay la socdaan xaaladeeda.  Caruurta xaaladooda marki  ugu horeysay aad bay u xumayd laakiin iminka wey fiicantahay.  Hada ka  hor baa qoraalo laga qoray in Somalida dagan gobolkaas ey dhib badan oo  ka mid ah maskax xanuun (depression) ku dhacaan iyo wax yaalo ku saabsan  caafimaad xunka laga helo qurbo joognimada. Hooyada maxkamad baa la  saaray waxana lagu xukumay inay damacday inay disho caruurteeda. 
Sawiradan waxa weeye caruurti oo cisbitaal loo sii wado, taas oo la  sheegay markaa xaaladoodu way xumeyd iminkase reerki waxay sheegan inay  ladnaan doonaan.
