Dood-cilmiyeed lagu falan qeynayay dhibaatada guurka deg degga iyo furriinka dhakhsaha ah ayaa lagu qabtay magaalada sanca ee ee dalka Yemen waxaana ka qeyb qaadanayay Aqoonyahanno iyo odaal arrimahaasi waayo arag ku ah.
Sanca: Yemen- Dood-cilmiyeeddan waxaa soo  qaban-qaabiyay guddiga qaxootiga Soomaalida ee Sanca waxaana lagu lafa  gurayay dhibaatada ka dhex aloosanta qoyska oo asalkeeduna uu yahay  quurka qaldama aayihiisuna uu furriinka noqdo kaasoo aad ugu dhex badan  Soomaalida Yemen qaxootiga ku ah,Guddoomiyaha guddiga qaxootiga  Soomaalida Max’ed Cabdi Aadan oo Gaboobe loo yaqaanno ayaa idaacadda  Bar-kulan uga warramay sababta ku xambaartay in dood-cilmiyeed  cinwankaasi wadata ay soo qababn-qaabiyaan.COD.
Intii ay dooddu  soconeysay waxa ay aqoonyahannadii ka qeyb-qaadanayay iyo kazoo  qeybgalaayiishaba isku weydaarsadeen Aragtidooda ku aaddan dhibaatadaasi  sii kobceysa iyo cidda sababta u ah rag mise dumar ,waxaanay labaduba  isku tuur-tuureen masuuliyadda mashaalkilkaasi iyadoo haweenkii kazoo  qeyb-galayna ay iska foogeeyeen eedeymaha loosoo jeediyay iyagoo  dhibkaasi raga qoorta u sureen .
Gaboobe waxa uu sheegayaa in ay  jiraan dumar si qaldan diinta u fahmay isla markaana goobo fara badan oo  kala fog rag kala duwan ku guursanaya iyadoonay kala tagin kuwii  hore.COD.
Waxaa hadlkaasi xaqiijinaya Faadumo Xasan Xaashi oo  kamid ah haweenkii doodda wax ka wadaagayay hase ahaatee waxa ay  sheegeysaa in culimadu ay kaalin ku leeyihiin tallaabooyinka qaldan ee  ay haweenku ku dhaqaqayaan isla markaana ay masuuliyadaasi si gaar ah  raggu u leeyihiin ,maaddaama aanay Soomaalidu inta badan gabdhaha  waxbarin ,rag culumo sheeganayana ay sii marin habaabiyeen gabadhii aan  markeedii horeba waxba la barin COD
Inkastoo inta badan raggu ay  sheegayeen in guurka hallaaba ee aan lagu raagin ay dumarka sabab u  yihiin oo ay marka horeba dan gaar ah ninka ku raacaan ,isla markaana ay  dhibka ugu weyn eek ala tagga ka dhasha iyga la kulmaan ayey Deeqa  Max’ed Yuusuf ku doodeysaa in jileyca dumarka ay raggu ka faa’ideystaan  ,isla markaana aanay kazoo bixin waajibaadkii iyaga saarnaa ee ku  aaddanaa in haweenka loo naxo.
C/hi Xirsi diirshe Daacad oo ahaa  oday Soomaaliyeed qeybna ka ahaa aqoonyahanka doodan kaalinta ku lahaa  ayaa aragtidaasi deeqa la wadaaga isagoo xusay in haweenku ay dowlad la  mid yihiin ,waxqabadka laga sugayo dowladda kasowona loo baahyan yahay  in dhowro oo ilaalo laga hayo si aanay u dumin ,waxaanu raga ku eedeeyay  inaanay kazoo bixin kaalintoodii ku aaddaneyd dhowrista iyo u  damqashada dumarka.
Waxaa leysku raacay in xulashada raga ama  haweenku ay muhiim tahay loona baahan yahay in labaduba ay aad uga  fiirsadaan si aan iin laheynna u xushaan qofka ay mustaqbalka la  wadaagayaan sida uu ku taliyay Jaamac Max;ed Bullaale oo kamid ahaa  dayaashii waayo-aragnimadooda barnaamijka kaga qeyb qaadanayay.
Gunta  dood-cilmiyeeddan ayaa noqotay in rag iyo dumarba ay wadaagaan  dhibaatada furriinka deg-degga ah keenta sidaasi daraadeedna ay lagama  maarmaan tahay in qolo walbaa ay dhinaceeda kaga darbato wax ka  qabashada mashaakilkaasi noqday mid Soomaalidu ay ku tilmaaman tahay  ,waxaana leysku afgartay in lasii dhaqaajiyo wacyi gelinta iyo  baraarujinta bulshada ,taasoo hoosta laga wada xarriqay in ay fure u  tahay albaabka looga gudbayo dhibaatadaasi bulshada ku habsatay.
