Dood cilmiyeed ku saabsan sida bulshada looga wacyi galin karo guurka  qasabka ah ee gabdhaha, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee  caasimadda dalka Soomaaliya.
Dooda oo ay soo qaban qaabisay  hay’adda wada hadalka bulshada ee CCD, ayaa waxaa ka qeyb galay 200 oo  gabdhood, xubno ka socday ururrada bulshada iyo baarlamaanka KMG ee  Soomaaliya.
Madaxa haweenka ee CCD, Sahra Maxamed Maxamuud, ayaa  sheegtay in dooda ku saabsan wacyi galinta guurka qasabka ah, ay  isbuuciiba mar qaban doonaan, si dadka looga wacyi galiyo.
Bishaaro  Cabdi Garabeey, oo ka mid ah xildhibanada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa  ka sheegtay madashii dooda ay ka dhaceysay inay wax badan ka badali  karto wacyi galintan guurka gabdhaha yar yare e qasabka ah.
