200 oo haween ah oo dood cilmiyeed loogu qabtay Muqdisho

Labo boqol oo haween ah ayaa ka qeyb galay dood cilmiyeed uu soo qaban qaabiyay ururka midowga dhallinyarada Soomaaliyeeed, oo looga hadlayay ka qeyb qaadashada gurmadka abaaraha iyo sida loo gaarsiin karo goobaha ay gacanta ku hayaan maleeshiyda Al-Shabaab, kaas oo lagu qabtay hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha ururka midowga dhallinyarada Soomaaliyeed, Ciise Axmed Dinax, oo ugu horreyn kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in kororka dhibaatooyinka abaaraha ee ka jira gobollada dalka ay qeyb ka yihiin maleeshiyda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha midowga haweenka dhallinyarada Soomaaliyeed, ahna guddoomiyaha maamulka degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, Deeqo Axmed Maxamed, ayaa tilmaantay in maleeshiyda Al-Shabaab aysan ogoleyn in la caawiyo dadka dhibaateysan, iyadoo intaa ku dartay in sababata ay u fasaxeen hay’adaha ay tahay inay leexsadaan kaalmada dadka maatida ah loo wado.
Bishaasho Garabeey oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya, oo iyana goobta ka hadashay ayaa sheegtay in maleeshiyda Al-Shabaab aan lagu aamini karin gargaarka dadka dhibaateysan ku socdo, iyadoo dhinaca kale shacabka ugu baaqday inay u gargaaraan dadka abaarahu ay halakeeyeen.
Ugu danbeyn waxaa dood cilmiyeedka laga soo saaray baaq ku aaddan joojinta dagaallada u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee wada dego deegaank Dhegtuur ee gobolka Mudug.

1 Comments

  1. Anonymous12/20/2012

    Walaal waxaan seegausanayey 9 sano wali waan wada waxaan ahay 21 jir mana guursan dhibatada iigu wayn ee igala soo dartayna waa anigoo laguhii i dhudhubteen lafo noqdeen iyo wajiga on bangado ku yeeshay iska daaya markaa jidhkagay cunaysaa baashuyee

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post