Labo boqol oo haween ah ayaa ka qeyb galay dood cilmiyeed uu soo  qaban qaabiyay ururka midowga dhallinyarada Soomaaliyeeed, oo looga  hadlayay ka qeyb qaadashada gurmadka abaaraha iyo sida loo gaarsiin karo  goobaha ay gacanta ku hayaan maleeshiyda Al-Shabaab, kaas oo lagu  qabtay hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha ururka  midowga dhallinyarada Soomaaliyeed, Ciise Axmed Dinax, oo ugu horreyn  kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in kororka dhibaatooyinka abaaraha ee ka  jira gobollada dalka ay qeyb ka yihiin maleeshiyda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha  midowga haweenka dhallinyarada Soomaaliyeed, ahna guddoomiyaha maamulka  degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, Deeqo Axmed Maxamed, ayaa  tilmaantay in maleeshiyda Al-Shabaab aysan ogoleyn in la caawiyo dadka  dhibaateysan, iyadoo intaa ku dartay in sababata ay u fasaxeen hay’adaha  ay tahay inay leexsadaan kaalmada dadka maatida ah loo wado.
Bishaasho  Garabeey oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya, oo iyana  goobta ka hadashay ayaa sheegtay in maleeshiyda Al-Shabaab aan lagu  aamini karin gargaarka dadka dhibaateysan ku socdo, iyadoo dhinaca kale  shacabka ugu baaqday inay u gargaaraan dadka abaarahu ay halakeeyeen.
Ugu  danbeyn waxaa dood cilmiyeedka laga soo saaray baaq ku aaddan joojinta  dagaallada u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee wada dego deegaank  Dhegtuur ee gobolka Mudug.

Walaal waxaan seegausanayey 9 sano wali waan wada waxaan ahay 21 jir mana guursan dhibatada iigu wayn ee igala soo dartayna waa anigoo laguhii i dhudhubteen lafo noqdeen iyo wajiga on bangado ku yeeshay iska daaya markaa jidhkagay cunaysaa baashuyee
ReplyDelete