Ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG ee Soomaaliya oo qabsaday deegaanka Buur-gaabo ee Gobolka Jubbada hoose

Afhayeenka ciidamada milateriga dalka Kenya, Gaashaanle Emmanuel Chirchir ayaa saxaafadda dalkiisa u sheegay in ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG ah ee Soomaaliya oo iskaashanaya ay Jimcihii shalay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Buur-gaabo oo 140-km koonfur kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Gaashaanle Chirchir, wuxuu sheegay in ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda KMG ay dagaal kooban la galeen xoogaggii Xarakada Al-shabaab ee ku sugnaa deegaankaas ka hor intii aysan qabsan, isagoo aan sheegin khasaare ka dhashay dagaalka.
“Dagaal kooban kaddib ayaan la wareegnay deegaanka Buur-gaabo,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Milateriga  Kenya, balse ma uusan sheegin khasaaraha uu dagaalku dhaliyay, isagoo xusay  in qabsashada deegaankan ay qayb ka tahay howlgallada ay ciidamada Kenya ay ku doonayaan inay ku qabsadaan gobolka Jubbada hoose.
Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin qabsashada deegaanka Buur-gaabo, iyadoo sidoo kalena aysan dowladda KMG ah iyaduna ka hadlin la wareegidda deegaankaas. Iyadoo deegaankan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG ah oo isgarabsanaya kala wareegaan Al-shabaab tan iyo markii ay ciidamada Kenya kasoo tallaabeen soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya laba toddobaad ka hor.
Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa la sheegay inay gallinkii dambe ee Khamiistii duqeyn u geysteen hareeraha deegaanka Buur-gaabo, inkastoo aan la sheegin khasaare ay duqeyntaas dhalisay.
Madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa si weyn isugu khilaafsan joogitaanka ciidanka Kenya ee gudaha Soomaaliya, iyadoo madaxda dowladda Kenya ay sheegeen inuu soconayo qorshahooda dagaal tan iyo inta ay ka gaarayaan hadafkii ay u galeen Soomaaliya.
Ciidamada Kenya iyo kuwa taabacsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxay aad ugu dhow yihiin degmada Afmadow oo ah degmada labaad ee ugu weyn gobolka Jubbada hoose, iyadoo saraakiisha Kenya ay sheegeen in qorshahoodu uu yahay inay degmadaas qabsadaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post