Mareykanka oo sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn howlgallada Milateri ee Kenya ay kawaddo Soomaaliya

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Kenya, Scott Gration ayaa sheegay in dalkiisa uusan wax lug ah ku lahayn howlgallada ay ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya, kaasoo lagu sheegay in Xarakada Al-shabaab looga saarayo gobollada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.
Laakiin safiirku wuxuu sheegay in Mareykanku uu ka caawinayo Kenya sidii ay u xaqiijin lahayd ammaanka gudaha dalkeeda.
“Qayb kama nihin howgallada milateri ee Kenya ay ka waddo bannaanka soohdinteeda,” ayuu ku sheegay dajire Gration shir jaraa’id oo uu shalay oo Jimco ahayd ku qabtay magaalada Nairobi. “Waan sii wadaynaa muddo dheer taageerada ciidan ee aan siinno Kenya. Balse innagu ma joogno Soomaaliya.”
Hay’adaha gargaarka ayaa dhaliilay howgallada ay Kenya kawaddo gudaha Soomaaliya, iyagoo ku sheegay inuu sababi karto macluul ka dilaacda gobollada ay ku sugan yihiin maadaama aan goobahaas la gaarsiin karin gargaar bani’aadamnimo.
“Ma jirto cid ka imaanaysa Soomaaliya, macluushu waxay noqon kartaa mid sare u sii kacda isla markaana sababta geeri,” ayay hay’adaha gargaarku ku sheegeen warbixin ay dhawaan kasoo saareen xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya.

Wasiirka ammaanka Qaranka Kenya, George Saitoti ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation shalay in qorshahooda uusan ahayn faragelin ay ku sameynayaan Soomaaliya, balse ay dagaal kula jiraan Al-shabaab. Isagoo sheegay in ciidamadooda ay dib ugu soo laaban doonaan dalka markii ay caga-jugleynta meesha ka saaraan.

Ciidamada ku sugan Kenya ayaa waxay markii ugu horreysay dagaal toos ah la galeen Xarakada Al-shabaab Khamiistii lasoo dhaafay, waxaana dagaalkaas oo ka dhacay meel ku dhow xadka ay wadagaaan Soomaaliya iyo Kenya uu sababay khasaare nafeed oo soo kala gaartay labada dhinac.
Dowladda Mareykanka ayaa noqonaysa dowladdii ugu horreysay oo reer galbeed ah oo sheegta inaysan wax lug ah ku lahayn howgallada milateri ee Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya, taasoo ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin madaxda DKMG ah ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post