Dowladda Jabuuti oo qorsheynaysa inay boqolaal ciidammo ah u dirto Soomaaliya si ay uga mid noqdaan AMISOM

Dowladda Jabuuti ayaa qorsheynaysa inay 850-askari oo ka tirsan ciidamadeeda gaarka ah ay u dirto Soomaaliya si ay uga mid noqdaan xoogagga AMISOM ee ka howlgalaya Muqdisho, kaddib markii baarlamaanka dalkaas uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay qorshahan.
Xildhibaannada baarlamaanka Jabuuti ayaa isku raacay in 850-askari loo diro Soomaaliya si ay uga qaybqaataan howlgalka Midowga Afrika ee lagu soo celinayo nabadda, balse lama sheegin xilliga ay ciidamadaas tegi doonaan Muqdisho.
Madaxda dowladda Jabuuti ayaa tan iyo sannadkii sheegayay inay ciidammo u dirayaan dalka Sooamaliya si ay qayb uga noqdaan howgallada Midowga Afrika, iyadoo mar walba ay madaxdu sare u qaadayeen tirada ciidamada ay u dirayaan Soomaaliya.
Dalka Jabuuti wuxuu ka mid yahay dalalka dariska la ah Soomaaliya, waxaana haddii ay dhacdo inuu ciidammo u soo diro Soomaaliya ay noqonaysaa in dalalka dariska la ah Soomaaliya ay ku sugan yihiin ciidamadooda gudaha Soomaaliya.
Baarlaamaanka Soomaaliya ayaa sannadkii 2004 ku qaybsamay ciidamada dalalka safka hore oo la geeyo Soomaaliya, waxaana ugu dambeyn uu baarlamaanku isku raacay inaysan dalalka dariska ah qayb ka noqon ciidamada xasilinaya Soomaaliya, balse Itoobiya ayaa sannad kaddib ciidammo fara badan gelisay Soomaaliya, inkastoo ay dib ula baxday sannadkii 2009.
Madaxda Soomaaliya ayaa horay u soo dhaweeyay ciidamo ka socda dalka Jabuuti oo ka howlgala Soomaaliya, waxaana Jabuuti ay ka mid ahayd dhowr dal oo Afrikaan oo ballanqaaday ciidammo ku xoojiyaan AMISOM, balse ma jiro dal weli ciidammo geeyay Muqdisho.
Colaadda ka taagan Soomaaliya oo salfatay dad badan ayaa taagan muddo 21 sano ku dhow, iyadoo dunida ay hadda doonayso in dib loosoo celiyo ammaanka guud ee dalka, lagana saaro dowladda Soomaaliya xilliga KMG ah oo ay muddo dheer kusoo shaqeynaysay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post