Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee DKMG ah oo sheegay in Xaaladda Muqdisho ay aad uga wanaagsan tahay sidii hore

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ad uga wanaagsan tahay sidii hore, ayna dadku billaabeen inay dib ugu soo laabtaan guryahooda.
Duqa magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay inay jiraan ciidammo ka tirsan dowladda KMG ah oo falal kasoo horjeeda ammaanka ka geysta degmooyinka magaalada qaarkood, balse ay dagaal kula jiraan askarta falalka ammaan-xumada ah geysanaya.
 “Inkastoo guryaha magaalada ay burbursan yihiin haddana goobaha ganacsiga sida suuq bacaad oo kale aad ayuu u camirmay,” ayuu yiri Tarsan oo sheegay inay wadaan qorshe lagu caawinayo dadka ay guryahoodu ku burbureen dagaallada.
Qoysas fara badan oo muddo sanooyin ah ka maqnaa magaalada ayaa billaabay inay dib ugu laabtaan, waxaana dadkaas qaarkood ay dageen guryahooda oo uu burbur xooggan ka muuqdo, iyadoo dadka qaarkoodna ay dageen geedo hoostood kaddib markii ay dagaalladu ku burbureen guryahoodii.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu sheegay in dalalka Sweden iyo Mareykanka ay kala hadleen sidii lagu caawin lahaa dadka ay guryahoodu ku burbureen dagaallada, isagoo sheegay in qorshuhu yahay in qoys walba oo gurigoodu burburay laga caawiyo qalabka dhismaha.
 “Waxaan qorsheynaynaa in degmo walba illaa 5000 oo guri laga caawiyo qalabkii dib loogu dayactiri lahaa, si ay bilicda magaaladu dib ugu soo laabato,” ayuu yiri mudane Tarsan oo intaas ku daray in maamulkiisu uu xoogga saarayo sidii bilicda Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa inteeda badan waxaa ka socday saddexdii sano ee ugu dambeeyay dagaallo u dhexeeya ciidamada DKMG ah oo taageero ka helaya ciidamada AMISOM iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab, dagaalladaas oo burbur xooggan dhismayaasha magaalada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post