Walaac xoogan oo isasoo tarayo ayaa ka soo baxaya in wabiga Shabeele uu ku fataho deegaamo ka tirsan degmadaasi.
Tuulooyin fara badan ayaa waqti xaadirkaan go'doonsan kadib markii fatahaado wabiga Shabeele uu qasaarooyin u geystay, iyadoo dadka ku dhaqan deegaamadaasi ay haatan heysato dhibaatooyinka ay u geysteen biyaha ku soo fatahay dhulalkaasi, waxaana intaa u sii dheer in wadooyin fara badan oo gali jiray tuulooyin hoos yimaado Afgooye ay xiran yihiin sida ay dadka degmada Afgooye u xaqiijiyeen Talaadadii.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Afgooye ayaa sheegay inay cabsi lixaad leh ka heysato in wabiga Shabeele uu ku soo fataho degmadaasi kadib markii biyaha wabiga uu soo gaaray qarka wabiga, waxayna taasi kor u sii qaaday cabsida la xiriirta in wabiga soo fataho, iyadoo fatahaadu ay bur burisay dhul beereed baaxad leh oo ku yaalay degmada Afgooye.
Qaar ka mid ah goobaha ganacsi ee u dhow wabiga ayaa durbadiiba waxaa soo gaaray biyaha wabiga, taasoo muujineysa inay macquul tahay in wabigu uu ku soo fataho deegaamo hor leh, iyadoo guryaha ku yaalo agagaarka wabiga ay soo galeen biyuhu, laakiin dadka qaar ayaa rajo wanaagsan ka muujinaya in ay adag tahay sida ay biyuhu u soo galan degmada Afgooye, iyagoo sabab uga dhigaya in degmadu ay ku taalo meel sare juqraafi ahaan.
Hadaba walaaca iyo cabsida laga qabo in biyuhu ay soo gaaraan degmada Afgooye iyo deegaamada la xiriira ayaa ku soo beegmeysa xili ay dadka soomaaliyeed bilaabeen inay isu gurmadaan, iyagoo horaanba iska ururiyay deeqo kala duwan oo loogu yaboohayo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay fatahaada wabiga Jubba iyo Shabeele.