Kulan nabadeen ah oo Hey’ada UYS u qabatay qaar ka mid ah haweenka magaalada Muqdisho

Kulan ay soo qaban qaabisay Hey’ada Midowga dhalinyarada Soomaaliyeed (UYS) oo looga hadlayay kaalinta ay haweenka ka qaadan karaan nabadeynta iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed oo ka dhacay xarunta Hey’ada wada hadalka Soomaaliyeed (CCD) ee magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Hey’ada UYS Ciise Xasan Diinah ayaa ugu horeyn furitaankii kulankaas ka sheegay muhiimada iyo isu imaatankii kulankaas ee la xiriira ama aasaas uu u yahay kaalinta haweenka iyo sida ay uga qeyb qaadan karaan haweenka nabadeynta iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed.

“In hooyada laga bilaabo mudnaanta waa waajib, waayo waa aasaaska qoyska oo ah halka laga soo bilaabo nabadeynta, sida caasimadda Muqdisho, Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo carruurteena la mid noqdaan carruurta kale ee wax ka barta Iskuulada heystana amaan la isku haleyn karo, waxaan idinka codsaneynaa in aad gacan naga siisaan kulamo kale oo waaweyn oo aan idiin qaban doono kana uu yahay mid hordhac iyo barasho ah” ayuu yiri gudoomiyaha UYS Md. Ciise oo u mahad celiyay Hey’ada CCD oo gacan weyn ka geysatay isku duba ridka iyo qabanqaabada kulankaan.

Gudoomiyaha haweenka Soomaaliyeed Caasho Cumar Geesdiir oo ku dheeraatay ka hadalka dhibaatada dalka gaar ahaan kuwa ugu nugul ay yihiin haweenka iyo carriirta yihiin.
“Waxaa iminka noo muuqda haadaanahay haweenka in ay noo soo baxeen dad qibrad iyo aqoon leh sida UYS iyo CCD oo wada dadaalka nabadeynta iyo baraarujinta bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaana noo socda kulamo gaargaar ah oo haweenka heer degmo,Mid gobol si aan u gaarno mid guud ahaan metela qaranka Soomaaliyeed” ayay tiri marwo Caasho oo Ilaah ka bariday in umadda Soomaaliyeed uu ka dul qaado dhibaatada qaangaarka dhaafay.

Munaasabada maanta ayaa waxa dhinac socday kulamo gaaragaar ah oo ay haweenka ka yeelanayeen sida loo amba qadi lahaa midow ay yeeshaan haweenka Soomaaliyeed si ay u helaan xuquuqda ay mudanyihiin ee ka maqan, waxayna kulamadas ku soo dhamaadeen is afgarad.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadashay Deeqo C/qaadir Axmed oo ku hadleysay magaca ka soo qeyb galayaasha kulanka haweenka ayaa ugu horeyn u mahad celisay dadaalka balaaran iyo mudnaanta koowaad ee ay Hey’adu siisay haweenka iyadoo balan qaaday in ay kaalinta kaga aadan ka soo bixi doonaan. 
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post