ilmaha waa necmo Allaah ina siiyay oo loo baahanyahay inaan ku shukrino waxaa la rabaa inaad ku dadaasho waxbarashadooda caafimaadkooda tarbiyadooda, taas waxaa ka horraysa inaad naag fiican guursato oo hooyo u noqoto ilmahaas kaddib magac fiican aad u bixiso waayo magac waa astaan weyn oo kaalin weyn ka galaysa taariikh nololeedka ilmaha, waxaa fiican magacyada qiimaha badan inaad u doorto, si wanaagsan inaad kula dhaqanto waa inaad tustaa inaad qiimaynaysid, naxariis badan waa inaad u muujisaa Mar Nabiga صلى الله عليه وسلم wuxuu dhunkaday Xasan wiilga gabadhiisa Faatima رضى الله عنهما waxaa ag joogay nin reer baadiye ahaa oo la dhihi jiray al-aqrac bin xaabis markuu arkay inuu Nabiga صلى الله عليه وسلم dhunkaday wiilka yar ayaa wuxuu yiri aniga waxaan qabaa 10 carruur waligaygana hal kama dhunkanin Nabiga صلى الله عليه وسلم baa ku yiri markaas من لا يرحم لا يرحم ninkaan naxariisanin looma naxariisanyo .
marka waxaa la rabaa manhajka diinta in lagula dhaqmo carruurta
marka waxaa la rabaa manhajka diinta in lagula dhaqmo carruurta