Markii aan suuxay ayuu iga faa’ideestay”Qisa Xanuun leh” top story

Ma ahan mid qoraal oo kaliya lagu soo koobi karo dhibaatada loo gaysto hablaha Soomaaliyeed waxaana marar badan dhacda in ay maraan dhibaatooyin adag oo aysan xamili Karin.
Qormadaan ayaa ah mid aan ku soo bandhigeeno qiso xanuun badan oo ku dhacay gabar Soomaaliyeed oo magaceeda ku soo koobtay Nasteexo waxa ayna dagantahay Magaalada Adis-ababa sida ay inoo sheegtay.
Sheekadu waa mid xasaasi ah waxay ka bilaabatay waddo dhexdeed markii aan si kadis ah isku baranay nin da’diisu u dhaxeyso qiyaas ahaan 28-35 oo magaciisa iigu sheegay Cabdi Xakiim wuxuuna sidoo kale ii sheegay inuu dhaqtar yahay, wuxuu igula muuqday nin akhyaar ah sida aan muuqaalkiisa ka gartay.
Lambarkayga ayuu igu qaatay kadibna si wanaagsan ayuu ii soo xariirin jiray waa hubaal inaan anigu guur doon ahaa balse wixii guur aan ahayn ma jecleyn dhowr habeen ayuu gurigeyga igu yimid waxaana u martiqaadi jiray si wanaagsan.
Inkastoo muuqaalkiisu ahaa mid Akhyaareed hadana hadalkiisa iyo gacanta oo ka soo horreysa ayaan ahayn kuwa is leh,  wuxuuna dhowr jeer isku dayay oo uu iga codsaday inuu Ishumiyo ama jirkayga taabto taasna uma ogolaan jirin guurka ka hor waxaana u sheegay in guurka hortiisa arimaha yimaada aanan ogolayn.
Wuxuu ii balan qaaday inuu I guursan doono oo nolosheydana uu wax ka badali doono maadaama ay nolosheyda iska xumeed waxaana niyadda iska iri “ Haddaad heshay Ninkii Noloshaada wax ka badali lahaa”.
Siduu xirriirkeenu u dhisnaa hamigeyguna u raacay ninkaasi ayaa maalin wuxuu iga codsaday inaan ugu tago  gurigiisa si sharuud lahaan ah ayaan uga aqbalay sababtoo ah xumaan kuma aanan baran mana is dhaheynin wax ay niyaddaadu diidantahay ayuu sameenayaa.
Horay ayuu in badan ii dhihi jiray haddallo aan u malaynaayay kaftan oo dareenka qofka kicinaya, Wexeyna Niyadeyda Aqbali weysay inuu si dhab ah u sameen doono hase yeeshe sidaan filayay iyo sidey noqotay waa mid aan loo noqon doonin.
Markii la gaaray xilligii balanta ayaan si dhaqso ah uga soo baxay gurigii aan deganaa waxaan ka fikirayay sidaan ugu hagaagi lahaa gurigiisa halka uu iigu tilmaamay, gaari ayaan soo raacay 15 daqiiqo kadibna waxaan soo gaaray halka ay tilmaamto ahayd telefan ayaan ku garaacay waxaana u sheegay meesha aan taaganahay.
Wax yar markii aan taagnaa qiyaastii 5 daqiiqo kadib ayuu ii yimid waxaana isu raacnay hoygiisa oo aan islahaa martiqaad wacan buu kuu sameeyay, waxaan nimid guri si wayn loo xardhay oo quruxdiisa aad isleedahay haka dhex bixin.  
    Markii aan iridka ee guriga soo dhaafay ayuu iri “Soo Dhawoow qalanjo, guriga waa gurigaaga waxaana tahay marwadii guriga” iyo hadallo kale oo macaan ayuu igu soo dhaweeyay. Aniguna mahadsanid ayaan si dabacsan ku iri.
Qol Fadhi ah oo si wayn loo sharaxay ayuu I kaanay wuxuuna shiday TV-ga oo ku tuuray Cajal heeso ah durbadiiba waxay ku bilaabatay hees aan in badan jeclahay oo aan miraheeda ka fahmay in gabar lagu ammaanayo fanaankana maba xasuusto, wax yar kadibna Cabitaan qabow iyo cunno fudud ayaa la isoo hoos dhigay.
Ninkiina kama daalayo hadallada jilicsan ee isku dayayo inuu igu soo xerro galliyo aniguna waanba xishoonayaa oo hadalka lama sii wadi Karin, Hubaashii waan aaminay ninkaas ismana laheen wuu kugu xad gudbayaa.
Cabitaankii ayaa la ii keenay ayaan mar kabaday mise waa cambe oo aan aad u jeclahay, waxaan u cabay sida qof ka baqaya in laga dhameesto laba daqiiqo kadib waxaan iska dareemay caajis iyo hurdo mise waa ila tagtay hurdadii.
Ma hubbo intaan suuxsanaa balse waxaan ku qiyaasayaa 40 daqiiqo waxaana soo toosay anigoo jiifo qolkii jiifka oo wata dharkii hurdada katabaanka waxaa iiga muuqday dharkaygii aad baan u naxay waana is day dayay waxaaba cajaradeyda ( Bowdyahayga) ka dareemay Qoyaan aad baan u sii naxay, iyo gudaha xubinteyda taranka oo aan wax ka dareemay.
Anigoo naxsan ayaa waxaa qolkii soo galay ninkii oo isna Shukumaan hoosta ugu xiranyahay waa iga dhaadhici waayeen waxa dhacay inkastoo ay xaqiiqo tahay hadana waan aamini waayay, isagoo dhoola cadeenaya ayuu I yiri gacaliso aad baad u macaantahay qadada Cashada waa diyaar ee isa soo diyaari intuu igu yiri ayuu iga laabtay.
Indhahayga waxaa markiiba ka soo daatay ilin qalbiga ayaana ka ooynaayay dharkayga ayaan katabaanka ka laacay anigoo u jawaabin ayaan galay qolkii fadhiga oo ka soo horjeeday qofla aan ka soo baxay ee jiifka.
Musqusha ayaan galay wajiga ayaan iska soo dhaqay waxaana si dag daga iskugu dayay inaan guriga uga baxo mise waa kan oo ileh macaaneey ila cuntee intaadan bixin aniguna madaxa ayaa I kacsanaa Hadalkana dhuunteyda wuu soo dhaafi la’yahay xanaaq dartii anigoon u jawaabin ayaan ka baxay gurigiisa.
Durbadiiba Taksi (Taxi) ayaan helay oo aan Gurigayga u raacay, way jirtaa marar badan oo gurigayga iga soo raadin jiray aniguna waan burin jiray anigoo aflagaadeenaya ,wixii markaa ka dambeeyay lambarkayga waan badashay nin dambana lama sheekaysan waxaana niyaddeyda ka dhaadhiciyay inay raga dhan isu mid yihiin.
Jugta I gaartay waa mid aan gabarnimadaydii ku seegay waxaana goolkana wuxuu dhashay markii aan miyir belay haddaan miyir lahaan lahaa sida tan ma dhacdeen.
Halkaan kala soco Qaybta labaad.
W/Q Gacaltooyo Cali
Nairobi-Kenya

4 Comments

  1. Anonymous1/06/2012

    abayo waad salamantahay marka hore marka danbena waxa kugu dhacay waan ka xumahey lkn raga oo dhan isku mid ma ahan midaas lasoco waxaa laga yabaa in uu alle midkaad radineysay kuu sahlo marka ha fududaanin

    ReplyDelete
  2. Anonymous1/07/2012

    horta raga wada xuma dumarkana mawda xuma balse gabdhaha somalida wax badan ayaa kaqaldan oo aqlaaq iyo diinba isugu jira iyo waliba duruufta dhaqaale ee haysata oo aysan ku samrayn,

    tusaale ahaan waad aragtay meelkasta oo meelaha loo tahriibo kamid ah gabdhaha iyo wiilasha somalida waa isla egyihiin hadaanba gabdhuhu badnayn sida aan ognahay diinteena safar dumarka waa udiiday maxram la'aan sababtuna waa qatarta safarka kasoo wajahaysa hadii cid kadifaacda ama ayada lafteeduu ka baqdo aysan lasocon, marka kawaran gabdha saxaraha liibiya, buuraha dheereer ee xuduudka syria iyo turkey ama badada yemen iyo italia u soo tahriibtay maxaad kafilankartaa in ay lakulantahay? bal iswaydii anigu waxbadan ayaan usoo joogayy waxbadana waan maqlay marka taas ayaa sabab u ah dhibka nawada haysta ee nabad darada kasokow gabdha ayaa masuul ka ah nafteeda biimaysay. 2 waxaad arkaysaa gabar lasocota nin ay ayada kuusheegayso in uu xunyahay hadana waxay kuleedahay xooga kista ayaan kula socdaa marka sawiro nin waa xunyahay lagu leeyahay oo hadana kista laga qaadanayo isna muxuu helaa dabcan???

    3 waxaa inta badan gabdhaheena caan kuyihiin naftaada maqiimeeyaan gabarnimada kadib, tusaale ahaan waxaa badan gabadha hadii ay garoob noqoto badanaa maba cabsato oo awal xaa iiyaalay camal, ma kafakarayso dhibab dadan oo gabar iyo garoob usimanyihiin waa dhib jira runtii ee gabdhaheeno fadlan oo fadlan is aqbta ogow gabadhaha oo dhan mawada ahan sidaas
    by Xasan

    ReplyDelete
  3. Ragguna waa wada rag uune
    Inbaa raxan iyo libaaxa
    Inbaa riibiga la cayna
    Inbaa lafa-ruug ku caana
    Inbaa biqilkuun rifaysa
    Waxaa jira ceeb-rabbayste
    Hablaha rubad goyn yaqaane
    Ka hoyo roondada mirqaanka.

    ReplyDelete
  4. Anonymous10/29/2016

    Horta dee Ilaahay baa garan sida rumaad (dhabta ah) ee aan yeeli lahaa. Laakiin anu haddii aan gabadh ahaan lahaa, markaan ina rag eego, weligay inta aan nin isku illaawo, meel uma raaceen- hadda wallaahi, sida ay ila tahay! Imika seekadani waxaba laga yaabaa in ay xiitaa samaysba iska tahay, inkasta oo ay dee, haddii ay xiitaa samaysba tahayna, xaqiiqda iyo waaqica jira si biya- kama- dhibcaan ah uga turjuntay.

    Laakiin anu, wallaahi, waxan garanayaa iyada oo dhab ah. Wax badan tan kama duwana ta aan og ahayi : Dugsi baan macallin ka ahaan jiray. Habee baan buuqday maammulahaygii dugsiga. Sidii noo caadiga ahayd, waan sheekaysanna ; ardayda ayay sheekadii nala gashay. Ardayda waxa ka mid ah gabadh yar oo jin iyo wax leh. Halka ay saaka subaxii dugsiga caafimaadqab kaga timaad, ayuun baa ay hadh'dhaw xillifasaxa xanuunsataa. Ayaan darra se, lagama dareemo. Inkasa o ayna maalin kastaba ahayn, haddana sidani inantaa yar kuma yara. Ka dib, dhan alla dhankii rooxaantaasi ku qaaddo ayuun bay iskaga is-moogi- dhaqaaqdaa. Goobtu waa Jigjiga. Marar baaba marka la waayo, baadidoonka Dhagaxbuur laga soo heli jiray- hadda Dhagaxbuur!

    Taa yar sheekadeedii ayuun buu maammulihii, sheekaba sheekay keentaa e, sheeko ku xasuustay. Waa walaasheed la dhalatay. Maammulaha iyo aniguba jaamacadda ayaan wada dhigannaa, dhinacna dugsiga ayaan ka dhignaa. Rag iska iskaabula ah ayaan nahay. Haddaba, illayn habeen baa gabadh'dhaa yar ee aan ka sheekaynaynay walaasheed, dabcan ka weyn, qolkiisa mid ku dheggan wiil ay maammulaha jaar yihiini ku haasaawinayay (ugu sheekaynayay). ''maxaad igu samaysay, waryaa?! Yaa?! Yaa?!''- ''waxba. Waxba. Hee?! Hee dee?! Naa, kabta iga daa, waa xay dee?!'' Waa laba isla qaylyaya. Waa gabadh su'aaltan, oohin, iyo kabayn (kab la- dhac) wadda io wiil sidii tuug la qabtay waxa uu sameeyay sababan garan la'a. 'waxbadaas' ayuu hayaa. ''qayladii baan ku baxay,'' uu yidhi. Waaba gabadh'dhii hebla ee hebla (ardayadda) walaasheed. Oohin : hiqhiq, hiqhiq, hiqhiq... ''maxaad, waryaa, igu samaysay?! Yaa?! Yaa?!'' iyo ''waxba dee. Maxaan kugu sameeyay?!'' Kab! ''gabadh'dhii baan inankii ka qabo is idhi,'' buu yidhi. ''nag, waan ka kari waayay. Siday u kabaynaysay, xiskeeda ayaaban ka shikiyay. 'waar, malaha, gabadh'dhii waaba lagaaga dambeeyay' baan is idhi,'' buu yidhi. ''waxan ku idhi,'' buu yidhi, ''ani maad i garanaysaa?''- ''haa, maanad hebla macallinkeedii ]maammuleheedii] ahayn?!'' Adu, alxaasil, ''inankii waan ka furfuray,'' buu yidhi.

    Ka dib, markuu gabadh'dhii daaradda ka bixiyay, ayuu ninkii odayga ahaa ee la kabaynayay u soo laabtay. Sidan buu ugu warramay : ''ninyahaw, wax aan sheekaynaba, waan yara baasheeyay uun ; way is dhigtay. dabeetana, waan wada samaynay.''

    ''dabeetana, waan wada samaynay,'' ku lahaa!Laakiin iyada gabadh'dha miskiinta ah, bilaash ayuun buu iskugu raray e, is- dhiggaasi ku- tala- gal kama ahayn. Waxa ka tanbadiyay (saa'idcaleeyay) dareenka. Waa wax iska caadi ah, haddii aad marka horeba aaggaa iskala fogaan weydo, in uu meelaha qaar dareenkaagu gaadhi karo heer aad kala xeerin weydo inaad waxa aad ku kacayso oggolayd iyo in kale.

    Waxan u maleeyaa, markaan sheekadaa xasuustaba, in ay habeenkaa gabadh'dhaasi bikirjabtay. Hadal iyo dhammaantii, habloow, taxaddara, taxaddara. Waad mahadsan tihiin.

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post