Duqeyn loo geestay Alshabaab

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kudhaa oo kudhow Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Halkaas goordhow ay duqeeyeen Diyaarado Dagaal.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaal ay bartilmaameedsadeen Xarumo ay Ciidamada Al-Shabaab ku tababartaan oo deegaankaas kutaal.

Dad kusugan Kudhaa waxaa ay sheegeen in ay maqleen jugta Duqeynta, Al-Shabaab-na ay gabi ahaanba xayireen dhaq dhaqaaqdii Dadka.

Wararka laga helayo qasaaraha Duqeynta ayaa ah mid aad uyar maadaama ay Al-Shabaab dadka oo dhan ka xanibeen in ay banaanka usoo baxaan.

Waxaa la rumaysan yahay in Diyaaradaha Duqenta gaystay laga leeyahay Dalka Kenya oo haatan Ciidamadiisa ay ka joogan Gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Sarakiil kusugan Deegaanka Qooqaani oo ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaawarbahinta u xaqiijiyay duqeynta loo gestay xaruntaas shabaaab ayadoo laga raneyn qasaaaraha kasoo gaaray
Wararkii soo Kordha dib kala soco
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post