Quruxda

Soomaalidu waxay tiraahdaa: (hadday naagi siddeed iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, asay gabar tahay, guurkeeda lama dhaafi karo). Sifooyinka ay tilmaamaanna waa sidatan:-


Afar ay u dheer tahay: labada gacmood, timaha iyo qoorta.


Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda.


Afar ay dhumuc u leedahay: labada kub iyo labada cududdood.


Afar ay u caddahay: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab.


Afar ay u madowdahay: labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.


Afar ay deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda).


- Labay u shuban tahay: labada dhaban.


Hal ay u buuxdo: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato.


- Hal ay u qoran tahay: waa sanka.


Lix iyo labaatankaas sifo waxaa soo raaco labada maqalkoodu ay dheguhu ku raaxaystaan, waana qosolkeeda iyo codkeeda macaan
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post