Dareenka labada isqaba iyo sida laga rabo

Ma fududa inay haweeneydu ninkeeda siduu rabo u raalligeliso, gaar ahaan kolkay arrinru galmo ku lug leedahay. Waxaa markaa kulmaya isagoon waxa uu tabanayo si bareer ah ugu sheegi karin iyo iyadoo aqoon-darri ka sokow isaga uun wilaayada saarata. Hadduu xitaa sidaas baan rabaa sidaana iga daa oran lahaa hawshii galmada ayaaba saa ku dhadhan beelaysa. Ninku waxa uu jeclaan lahaa inay xaaskiisu iskeed u garato dookhiisa iyo rabitaankiisa isagoon u sheegin.

Haddaba si aynu arrinka u fududeyno, ugu horreyntaba waa inay haweeneydu ogaataa in rag oo dhami isku dookh ka yihiin dhanka galmada oo waxa ninkeedu ka doonayaa ay yihiin waxa nin kasta oo kale uu xaaskiisa ka doono, Marka xiga waa inay isku daydaa in waxyaabaha aynu soo sheegi doonno ay dhaqan geliso, si ay ninkeeda rabitaankiisa u raalligeliso iyana raaxada ula wadaagto.
1- MAR-MAR HOGGAANKA QABO

Ka badbadin igama aha haddaan iraahdo rag oo dhami way u riyaaqaan kolkay arkaan haweenkooda oo galmada hoggaanka u haaya, halkay iyagu ka doonan lahaayeen. Ninku markaasi wuxuu rabbigiis iyo ragannimadiisa ku mahadiyaa siduu ugu raaxaynayo xaaskiisa, isagoo weliba falkeedaasi si ba’an ugu kacsada.

Haddaba gabaryahay waa in aanad ka xishoon inaad gacalkaaga ugu baaqdid si aan bareer ahayn una tustid inaad galmo doonaysid, sida adigoo ku jiitama (isku naba), horaadka saara, madaxa iyo garka u salaaxa, hadal macaan oo xodxodasho ahna xaraaraddiisa ku kiciya.
2- SI XORRIYAD LEH U RAAXAYSO

Dumarka qaar baa aaminsan in dhaqdhaqaaqa (niikada) iyo reenka ka baxa xilliga galmada oo raggu dareemaa amaba maqlaa tahay wax ceeb ah, sidaa darteedna iscaburiya iskuna celiya dareenkooda oo dib u liqa. Allow yaa usheega dumarka caynkaas ah inay is caddibayaan, isna seejinayaan, raggoodana seejinayaan raaxo iyo macaan tii ugu darrayd.

Gabaryahay ogoow rag oo dhami inay aad iyo aad u jecelyihiin inay maqlaan haweenkooda oo reemaya, neeftuuraya, dhunkashada iyo dhabanna qabsigana la wadaagaya. Ogoowna hadduu ninkaagu arko adigoo iska hoosyaal, istiin iyo raaxana aanad qaadanayn, hawsha uu qabanayana la qaybsanayn, inuu marka hore isagu iska shakinayo oo aaminayo inuu yahay wax-ma-tare aan ku raalligeli karin, marka xigana uu kaa qaadanayo fikrad xun oo ah inaad tahay mid aan mayd waxba dhaamin, maantuu ku guursadayna khasaare ka joogo.

Gabaryahay galmadu ma aha oo qura kaqaybgal jireed ee waxa weeye oo kale kaqaybgal dareen iyo rabitaan, dhunkashada iyo ereyada macaanina waa lagama maarmaan, mana loo baahna inaad ka xishootid ee saa u ogoow.
3- GALMO KELIYA MA AHA

Waxyaabaha ninku xaaskiisa ka doonayaa kuma koobna inay sariirta ugu raaxayso, balse waxa uu mararka qaar u baahan yahay jacayl aan ‘jabitaan’ lahayn oo ay laabtiisu ku qabowdo, kalsoonida uu naftiisa iyo naagtiisa ku qabaana ku kororto. Waxyaabaha haddaba uu doonayo waxaa kamid ah, dhunkasho macaan, shafka ku qabasho, salaaxis aanay doonisi ku jirin iyo haasaawe macaan. Waxyaabahaai kolkay guurka ka maqan yihiin  wuxu noqdaa sida raashin aan cusbo lahayn.
4- ODAYGAAGU MA AHA AALAD

Dumarka qaar baa u haysta in ninka ay waajib ku tahay inuu xaaskiisa habeen kasta u tago, hadduu saa yeeli waayana uqaata inuu isbeddelay ama dumar kale ka raacay amaba ay ka dhammaatay oo uusan iyadaba raalligeli karin. Haddaba gabaryahay ninkaagu aalad maaha shaqeysa mar kasta oo inta batrool lagu shubo la istaaro, balse waxa weeye bani’aadam ay saameeyaan duruufaha uu ku noolyahay, dadka uu ku dhex noolyahay iyo shaqooyinka uu qabto intaba.


Ninku kolka uu ka fekerayo duruufaha hadba noloshiisa kusoo kordha, niyad uma haayo naag utag, naftiisa iyo niyaddiisuna uma qaybsami karaan laba meelood, markaasi oo kalena waxaa haweeneyda la gudboon inay isku daydo siday u fahmi lahayd mashaakilkiisa, ulana socon lahayd duruufihiisa ugana gargaari lahayd siduu uga gudbi lahaa.
Qore: Sabriye Macalin.

3 Comments

  1. Anonymous10/29/2011

    Allow yaa dumarkeena Soomaliyeed astaamahan oo dhan siiya....!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.
    Dumarkeenu waxay u badan yihiin kuwo iska hoos jiifa ragoodu markay u galmoonayaan, qaarkoodna ma dhameysatay ayay ku oranayaan ee iga kac hadaad dhameysatay wasmada waan daalee ayay kugu oranayaan, markaa waa yaab!!!!! taah,reen,dhunkasho,hadal macaan waxaasoo dhan waxaabay u haystaan ceeb foolxumo ah si walba hadaad wax ugu sheegto waa dhego adag yihiin markaa bal Talo keena akhristayaal. Webkana waxaan ka codsanayaa inaad wacyigelinta dumarkeena xagga galmada aad u badisaan.
    Moumin

    ReplyDelete
  2. Anonymous10/30/2011

    Maasha alaah aad baan ugu faraxsanahay webkaan al carabiya iyo habka xeesha dheer ay raaxada uga hadlayso aniga hada kama daalo inaan maata dhan aqriyo waxaas waan kahelayaa oo aad ban ugu riyaaqayaa alle ha idinka abaal mariyo

    ReplyDelete
  3. Anonymous10/31/2011

    Aad baa u mahadsantihiin dhamaan daahihiyayaasha wepkan waa idiin duceeyaa markasta si weyn aan ugu xiranahy runtii wax badan ayaan ka faaiiday hada anigu ma lihihi xaas laakiin waxaan ka helay macluumaad badan oo aanan ka heleen meel kale waxaan filaayaa oo balan qaadayaa inaan ku dhaqmi doono dhamaan koorasyadii aan ka bartay wepkan Raaxada Guurka ,sidoo kalena waxaan aad u jeclahy in ay akhristaan dhamaan dumarka soomaalieed meelkastooy joogaan si aan u gaarno horumar bulsheed wax badana uga badalno dhaqankeenii ad adkaa . idinkana ALLAh mizaanka xaanaadka ha idiinku daro AMIIIIIIIIIN.

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post