Bahda Isboortiga Reer Finland oo si weyn u soo dhaweeyey ciyaaryahannadii qaran Maryan Ibrahim Jamac (QAYNUUN)

Xaflad si weyn loo soo agaasimey oo ay u wadadhamaayeen  bahda Isboortiga ee reer Finland laguna soo dhaweynayey laacibada qaran kubadda koleyga  Marayan Ibraahm Jamac Qaynuun ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Helsinki ee caasimada Finland.

Ugu horayntii waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka ururka midnimada Soomaaliyeed ee Finland ahna guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubada koloyga Soomaaliyeed Mr.Cabdi-casiis Goodax Bare isagoo hadalkiisa ku furay ,waxaa farxad ii ah in maantay ay nala joogto walaasheen Maryan Ibraahin Jaamac (Qaynuun) in badan oo idinka idin ka mid ah aad wada taqaanaan ,waa maalin bahada Isboortiga Soomaaliya qiimo weyn agteeda ku leh ,maxaayeelay Maryan-Qaynuun waxay ahayd gabar kaalin weyn kaga jirtay ciyaaraha kubada Koleyga,waxayna u ciyaari jirtay kooxda INJI.Walaal Maryan ku soo dhawoow Finland ,waana ku faraxsanahay booqashada aan noogu timid Finland.

Cabdi-casiis Goodax Barre guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubada kolayga waxa kaloo uu ka hadlay wax qabadka hay,adda Olymbikada Soomaaliyeed isagoo iftiimiyay sida ay ugu dhabar adeegaan arrimaha Isboortiga ,tan iyo 21 sanno ee uu dalka dowlad la aanta soo maray,isgoo sheegay in hay,addu qabatay shaqooyin
adag .


Waxaanu ka qayb galnaa kulamada caalamiga ah oo ay qabato IOC,FIBA,FIFA ,waxaa ciyaaro loo kexeeyaa ciyaartooyda Soomaaliyeed si ay u qayb galaan ciraaaha Africa,Arabta  waxaan dhisnay garoono kala duwan  oo uu kii ugu danbeeyey yahay kii hadda laga hirgeliyey magaalada Garowe.

.Intaas iyaga oo qabta GOS iyo xiriirada hoosyimaada ayaan hadana waxaa jirta dad wax yeelo ka soo gaartay naftoodii ,qaarbaa u dhaawacmay Isboortiga ,qaarbaa u dhintay ,in hadana la tuhmaana waa noo sii dheertahay .Balse walaalayaal waxaa soo dhan waxaanu u samaynaa waxaa weeye in aysan meesha ka bixin kaalintii Sportska inta aanu ka helayno dhalinyaro yaryar oo gudankara xilkooda.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Cabdi Axmed( Fitig) oo isna ka mid ahaa ciyaartooyda Soomaaliyeed ee kubada cagta una ciyaari jiray naadiga (WAXOOL) waxa uu yirdhi waxaa mahad celinayaa ururka midnimada Soomaaliyeed ee Finland kaalinta uu ugu jiro jaaliyadeena rer Finland ,marka xigtana waxaan ku faraxsanahay in aan Finland ku kulmo walaasheey Maryan-Qaynuun oo isigu kayo danbaysay muddo 21 sanno ka hor ,walaashiis ku soo dhowoow Finland .


Intaasi oo kaliya kuma koobnay ee waxaaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Cabdi Caagane Cumar oo isna ka mid ahaa ciyaartooyda kubada cagta una ciyaari jiray naadiga(JEENYO)waxaan halkan ka salaamayaa dhaamaan marti sharafta halkan isugu yimid ,waxaa idin leee yahay waan idin ka ajiibnay soo dhawaynta aad nala qayb santeen ,marka xiga waxaan ku faraxsanahay in aan arko walaashay Maryan-Qaynuun oo muddo dheer aanaan isarag ,walaasheen waxay ahayd qof akteena ku weyn ,waxaana ku leeyahay walashiis ku soo dhawoow Finland .

Waxaan la hilmaami karin kaalintii uu Injineer Ahmed ka qaatay haddii ay ahaan lahayd gabayada ,madadaalada iyo wixii lamid ah. Injineerka ayaa waxaa uu ka sheekeeyey taariikh gabdhaha kubada koleyga ku qabsatay xili ay ciyaaro u joogeen wadanka Ciraaq,injineerka ayaa markii uu hadalka dhameeyey waxaa ay ciyaaryahanadii qaranka Qaynuun u sheegtay injineerka iyo dadkii kasoo qaybgalay xaflada inay ka mid ahyd gabdhihii lasocdey xulkii qaranka ee Ciraaq. intaas ka dib ayaa injineerkii waxaa uu ku dhuftay gabay qiiro leh oo dadkii oo dhan soo xasuusiyey barisamaadkii iyo wadnkeenii.

Dhinac haweenka waxaa halkaasi ka hadlay Canbaro Maxamuud Siyaad oo iyadanu ka mid ahayd ciyaartooyda kubada koleyga una ciyaari jirtay naadiga dowladda hoose iyo sidoo kale naadiga Horseed ,Canbaro ,waxay halkaasi ka soo jeedisay hadalo wax ku ool ah iyadoo sheegyay in dowlad la aantu nagu riday niyad jab weyn oo aanaan helin wax noo buuxin kara kaalintii ay noogu jirtay haddii aan nahay bahda Isboortiga iyo shacab weynaha Soomaliyeed intaba .Waxaan ku faraxsanahay in aan is aragno walaasheen Marjan-Qaynuun oo aan wada ahayn gabdho isku xirfad ah saaxiibana aanu ahayn ,walaal macaanto ku soo dhawoow Finland .


Ugu danbaynytii waxaa hadalkii qaatay (Maryan Ibraahin Jaamac (Qaynuun) oo ah gabadha lagu maamuusan xafladan soo dhawaynta ah isla mar ahaantaasna ay u sameeyeen Bahda Isbootiga Finland oo kaa shanaya ururka midnimada Soomaaliyeed ee Finland.Maryan-Qaynuun waxay tidhi waan idin ka ajiibay sida wanaagan ee aad ii soo dhawayseen guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ,caawa waxaan soo xasuustay markii dalkeenu nabada ahaa maxaayeelay waxaan u mid waalaalo aanu isku xirfad ahayn hadana saaxiibo ahayn wakhti dheerna aanaan is arag,waxay iila mid tahay in dadkii uu nabad noqday .Intaasi haddii aan uga gudbo mahadnaqa Anigu waxaan ka imid cariga maraykanka magaalada aan daganahay waxaa kunool 10.000 oo qofood oo Soomaali ah,waana lagu dhaqan yahay ,dhinayaco badan ayaanu isku mid ka nahay xagga nolasha iyo qurba nimada ,intaasi ka dib walaalayaa anigu waxaan ka mid ahaa gabdhihii u soo ciyaari jiray naadi Inji ,intii dalkeenu dhisnaa waxaan soo qaadanay nolol wanaagsan ,isboortigu waa qaali ee ilmahu kula da,daala sidii aad wakhtigiina qayb ka mid ah u siin la haydeen,Alloow maad siisaan saacad wax weyn ayay u noqonaysaa ilamaha ,mar labaad waad ku mahadsan tihiin sida wanaagsan ee aad ii soo dhawayseen rer Finland.

Gabagabadii xaflada soo dhaweynta Maryan-Qaynuun oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay dadkii ka soo qayb gaalayna oo hadala kasoo jeediyey ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Cusmaan,Xuseen Absugu ,Dr.Cumar,Axmed Sharmaake,Cabdiqaadir Abshir ,Axmed Cismaan Jaamac ,Cali Qaasin,Jaamac Cabdulqaadir(Camow)Saciid Kaarshe,Xuseen Ladane, Muse Cumar,iyagoo guud ahaan u hambalyeeyay imaan shaha Maryan-Qaynuun kuna til maamay fursad weyn oo soo martay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland.

Hiiraan online

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post