Dariiqa Loo Maro Farxad Galinta Sayga


Hadii doonayso in aad ku guulaysato farxad galinta saygaaga waxa kula gudboon in aa qaado talaabooyin yar oo si fudud u farxad gilin kara lamanahaaga umana baahnid samayso hawl badan oo kugu keenta daal badan, laakiin waxa xasuusnaanaysaa oo kaliya in ninkaagu yahay ilmo weynaaday oo u baahan daryeel . Marka uu guriga soo galo kaga hor tag waji furan iyo hal ku dhigyo wanaagsan . Ku Dadaal in ay cuntadiisu ama cuntadu diyaar u tahay , maxaa yeelay waxa waajib ah in aad ogaato in marka uu soo galo guriga uu u baahan yahay nasasho cunto raali galisa iyo hadal wanaagsan oo lagu farxo , aay qalbiga ninkaaga u kasbato ilaali qalbigiisa oo ka dhowr waxa nadinta iyo murugada u keeni kara haka bad badin in aad xanuuno aad dareemeyso u buun-buuniso haddii ayna kuwo aan laga maarmeyn. Ha Badin booqashada aad ugu baxeyso ehelkaada, saaxibaadada ,iyo dariska iyo in ehelka aad kaga soo dhaxdo maxaa yeelay raggu uma dul qaadan karaan in badan arintaas . Ha u arkin saaxibadaa ninkaada iyo ehelkiisaba iyo qaraabadiisa marti culeys kugu ah hana dhibsan waligaa . Dhibaatooyinkaada qoys waligaa ha kala sheekeysan saaxibadaa iyo goobaha la isugu yimaado , Ka taxadir in sirta lamaanhaaga midda wanaagsan iyo midda xunba aad dibada u saarto. Ha u arkin in baahiyahaaga dhaqaale ay yihiin kuwa aan dib u dhac iyo dood gali karin balse waxa haboon in aad fursada ay ku haboon tahay ku weydisato ninkaada waxa aad u baahan tahay. Ugu dambeyntii raac talooyinkan kuna dar waxa aad is leedahay munaasib ayay ku yihiin adkayta xidhiidhka qoyska. Diinteena islaamku waxa ay in baraysaa dariiqa ugu haboon ee lagu gaadhi karo kala raali ahaan shaha lamaanaha, waana shay aad u muhiim ah in lagaadho darajada kala raali ahaanta ee qoyska ama lamaanaha.
Haatuf News
Hargeisa,Somald
November 25 ,2011 Zul al-Hijjah 29,1432H

2 Comments

  1. Anonymous12/24/2011

    Mashallah wa fikrado aad u fiican o loo baahan yahay gabadha muslimad ah ineeey ku dhaqanto ninkaaga inaad daryeeshana waaba waajib ku saaran

    ReplyDelete
  2. Anonymous1/19/2012

    mansha allh aadba u mahad san tihin fikirka wacan ad noso gudbisen jzkl khyr dhamantin inta wanaga jeceyl

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post