Maxaa u roon biyabbaxa degdegga ah

walaal waa mahadsantihii asxaabta raaxada guurka iyo inta la xiriirtaba waxaanse dadka ugu faa'ideyn lahaa aniga waxaan ahaan jiray raga biya baxa deg dega qaba laakiin alxamdululaah hada waanka nastay heer waxaan gaaray biyaheeyga aan celin karo mudo saacad ah waxaana ku helay arintaasi aniga oo sameeyay marka aan galmada sameynayo marka horeba in aan qalbiga raaxada aan ka saaray midda kale in marka aan dareemo in ay biyaha iga soo dhowaaadeenba aan bedelo qaabka galmada marka aan sameeyay dhowr mar oo kala bedel ah ayaan ku guuleeystay in aan helo raaxo igu filan misna ku filan xaaskeyga sidaa daraadeed aqyaarta sxbadeyda ah waxan kula talin lahaa in ay sameeaan sida aan sameeyay cunada nafaqada lehna ku dadaala xiriir wacan

7 Comments

  1. Anonymous11/27/2011

    Dariiqa Loo Maro Farxad Galinta Sayga
    Hadii doonayso in aad ku guulaysato farxad galinta saygaaga waxa kula gudboon in aa qaado talaabooyin yar oo si fudud u farxad gilin kara lamanahaaga umana baahnid samayso hawl badan oo kugu keenta daal badan, laakiin waxa xasuusnaanaysaa oo kaliya in ninkaagu yahay ilmo weynaaday oo u baahan daryeel . Marka uu guriga soo galo kaga hor tag waji furan iyo hal ku dhigyo wanaagsan . Ku Dadaal in ay cuntadiisu ama cuntadu diyaar u tahay , maxaa yeelay waxa waajib ah in aad ogaato in marka uu soo galo guriga uu u baahan yahay nasasho cunto raali galisa iyo hadal wanaagsan oo lagu farxo , aay qalbiga ninkaaga u kasbato ilaali qalbigiisa oo ka dhowr waxa nadinta iyo murugada u keeni kara haka bad badin in aad xanuuno aad dareemeyso u buun-buuniso haddii ayna kuwo aan laga maarmeyn. Ha Badin booqashada aad ugu baxeyso ehelkaada, saaxibaadada ,iyo dariska iyo in ehelka aad kaga soo dhaxdo maxaa yeelay raggu uma dul qaadan karaan in badan arintaas . Ha u arkin saaxibadaa ninkaada iyo ehelkiisaba iyo qaraabadiisa marti culeys kugu ah hana dhibsan waligaa . Dhibaatooyinkaada qoys waligaa ha kala sheekeysan saaxibadaa iyo goobaha la isugu yimaado , Ka taxadir in sirta lamaanhaaga midda wanaagsan iyo midda xunba aad dibada u saarto. Ha u arkin in baahiyahaaga dhaqaale ay yihiin kuwa aan dib u dhac iyo dood gali karin balse waxa haboon in aad fursada ay ku haboon tahay ku weydisato ninkaada waxa aad u baahan tahay. Ugu dambeyntii raac talooyinkan kuna dar waxa aad is leedahay munaasib ayay ku yihiin adkayta xidhiidhka qoyska. Diinteena islaamku waxa ay in baraysaa dariiqa ugu haboon ee lagu gaadhi karo kala raali ahaan shaha lamaanaha, waana shay aad u muhiim ah in lagaadho darajada kala raali ahaanta ee qoyska ama lamaanaha.
    Haatuf News
    Hargeisa,Somald
    November 25 ,2011 Zul al-Hijjah 29,1432H

    ReplyDelete
  2. Anonymous11/27/2011

    Tiirarka Iyo Tusaalooyinka Lagu Garto Haweenayda Raaliyada ah
    Si loo helo marwo wanaagsan oo ku sifowda raaliyo haween waxa haboon in laga helo qodobadan hoos ku qoran oo ah astaamaha lagu garto haweenayda xilkaska ah ee ninkeeda awlaadeeda iyo gurigeedaba ku filan.
    1-in qaadato awaamirta ilaahay iyo waajibaadka alle saaray, iyo daacada rasuulka scw.
    2- in ayna ka bixin guriga ninkeeda oo aan u idmin.
    3-in ay ahaato mid u dhoola cadysa ninkeeda.
    4-markay wax waydiisanaysa ninkeeda waa in ay doorataa wakhtiga ku haboon, adeegsataana kalmada wanaagsan oo soo jiida ninkeeda.
    5-in ay tahay mid ku sifowday akhlaaq wanaag.
    6-in ay tahay mid ku sabarta haduu ninkeeda sabool yahay,kana mahad celisa haduu yahay ninkeeda hantiile.
    7-in ay tahay mid jecel khayrka oo faafisa wanaaga.
    8-in ay tahay mid ku caanbaxday sheegida runta oo ka fog beenta.
    9-in ay tahay mid ku barbaarisa caruurteeda ,tarbiyada islaamka,bartana caruurteeda ixtiraamka aabahood iyo dadka waa wayn.
    10-in ay tahay mid ka fog cadhada iyo xanaaqa faraha badan.
    11-in ay tahay mid tawaaduc badan oo ka fog kibir iyo faan.
    12-in ay tahay mid la timaada cibaadada alle ku faralyeelay.
    13-in ay tahay mid alle xusta hadi iyo jeer oo carabkeeduna uu ka qoyanyahay xuska ilaahay.
    14-in ay ka dalbataa ninkeeda waxa uu awoodo ,oo ayna saarin culays aanu awoodin.
    15-in ayna ku kadsoomin quruxdeeda,dhalinyara nimadeeda,iyo aqoonteeda,oo ay ogaataa in waxa soo dhan ay tagayaan.
    16-in ay qaadato awaamirta nikeeda waxa aan ahayn macsi ilaahay.
    17-in ay tahay mid ku caan baxday xishood.
    18-in ay taqaano waxa uu ka helo ninkeeda xaga cuntada.
    19-in ay tahay mid qarisa sirta ninkeeda ,maadama ay tahay maradisii.
    20-in ay tahay mid wakhtigeeda ka faa’iidaysata,oo aan ku mashquulin la sheekhaysiga dadka aan wakhtiga ka faa’iidaysan.
    21-in ay tahay mid aad uga danbaysa ninkeeda iyo rayigiisa xushmaysa.
    22-in ay tahay mid aad u hagaajisa muuqaalka guud ee ninkeeda ,xaga dharka ,nadaafada, isla markaana ninkeeda laga daremo in uu qabo gabadh fiican.

    Haatuf News
    Hargeisa,Somald
    November 25 ,2011 Zul al-Hijjah 29,1432H

    ReplyDelete
  3. Anonymous1/09/2012

    waxaa iga su'aal ah idinko mahadsan wiilbaan ahay oo wali guursan hadii sheko mise qoraal waxyar kusaabsan arimaha qooska aqristo ama xataa gabar aan arko aadbaan ukacsadaa xataa some times kusigtaa inan wax ficnen damco lkn alhamdu lilah dinteyda aaa ixafido marka kacsigaas badan maxanunbaa mise waa caafimaad ogow wana arday baan ahay iska busy ah lkn waxyar ayaan kukacsadaa marki uu igadamaayo geedkana biyo yar o cad buu igareebaa buumaha maxaa waaye asigana??

    ReplyDelete
  4. Asc walaal wey dhcdaa arintaasi, waxad kaga fogaan kartaa in aad iska yareeso waxyaabaha kuu keeni kara kacsiga sida lasheekeysiga dumarka iyo eegmadooda ama waxyaaba ku saabsan ama filimada xun, tan kale qufka marka uu dareemo kacsi bahalkiisana uu istaago, marka uu isa soo gaabiyo wuxuu isku arkaa biyo cad aan ahayn minida waa wax jira oo dabiici ah lkn biyahasi waa nijaas ma ahan sida kuwa minida ah, minada waa daahir lkn biyaha kale waa nijaas waa in aad sifiican iskaga meertaa halki ay kaagaareen marada waayo kuma dukan kartid salaada maro ama dhar nijaas ah, waxan filayaa qoralkeyga inuu ku waacin doona thanks

    ReplyDelete
  5. Anonymous3/24/2012

    sideen uga baxaa xishoodka, aniga iyo ninkaygu waanu is karahnee plz i caawiya i need ur advice plz help me if u r muzlimz bye.

    ReplyDelete
  6. ninka iyo xaaskiisa haddii ay si fiican isugu kalsoonaadaan kalama xishoodaan

    ReplyDelete
  7. Anonymous3/28/2016

    Asc? Caana ma sanjabiilka ayan ku kariya mise heylka ke ba ku fican

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post