Gabdho Somaaliyeed oo guulo ka gaaray bandhig dhaqameedka Islamic University of Islamabad

 Aqristayaal, waxaan jeclaystay inaan idiin soo gudbiyo  bandhig dhaqameed lagu soo bandhigay jaamacada International  Islamic university ee magaalada Islamabad, dalka Pakistan. Bandhig dhaqameedkan oo socday todobaad wuxuu ahaa mid aad loo soo habeeyay oo ayna qabanqaabintiisa ka qayb qaateen dhamaan gabdhaha Somaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadan.

Bandhig dhaqameedkan, oo la asaasay 23 sano ka hor, ayaa sanadkiba mar loo qabtaa ardayda Jaamacada International Islamic University Islamabad wax ka barato. Ardaydan oo ka kala timaado illaa 52 dowladood oo kala duwan ayaa wadan waliba wuxuu soo bandhigaa waxyaabaha dhaqankoodu uu caanka ku yahaya sida labiska, cuntada, alaabta lagu dhaqmo, iyo wixii la halmaalo.

Ardayda Somaaliyeed ayaa waxey soo bandhigaan alaabo kala duwan oo dhaqankeena ah sida  gambar ka sameeysan  haraga dameer faraw , ukun goranyo, fandhaal ama gure, masaf, falko, shanlo ama gadhfeedh ka samaysan alwaax, xeero, canjeero, iyo alaabo kale oo badan. Ardayda Somaaliyeed waxaa alaabahaasi ka caawiya somalida ku dhaqan magaalada Islamabad iyo safaarada Somaaliya u fadhisa wadanka pakistaan. Ardayda ayaa iyaga laftooda iska uruuriyo lacag ay ku  iibsadaan waxyaabaha ay soo bandhigaan qaarkood sida dharka hidaha ee lagu ciyaaro, alaabaha guryaha lagu sharaxo, iyo cuntooyinka kala duwan.

Ardayda Somaaliyeed waxey ka soo qeybgalayaasha bandhiga ku soo dhoweeyaan heeso dhaqameedyo soo jiidasho leh iyo ciyaar dhaqameed. Ciyaar dhaqameedyada aadka loo xiiseeyo waxaa ka mid ah Sayliciga iyo Buraanburka.

Sanadadii la soo dhaafay gabdhaha Soomaaliyeed ayaa kaalimo muhiim ah ka gali jiray qeybo kala duwan oo bandhigan ah.  Iyagoo la tartamayay arday ka kala socot 50 dowladood ayaa gabdhaha Somaaliyeed waxaa u suurto gashay in ay kaalinta koowaad ka galaan qeybta labiska ee loo yaqaan “Style & Dress Show” halka ay kaalinta labaad ka galeen ciyaaraha halka ay shahaado sharaf ku heleen cuntadii iyo alaabadii ay soo bandhigeen

Qoraalkan waxaa soo diyaarisay Xamdi Qaali oo idiin leh, tan iyo intaan dib u kulmi doono waxaan idinkaga tagayaa nabadeey

1 Comments

  1. Hambalyo ana leeyahay ardaydaas dadaashay, mansha allah

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post