Marwo Faadumo Siciid Ibrahim ayaa ah marwo ay dadka reer Somaliland guud ahaantii ay taageeraan (Qalinkii Jirde Allale Qaasaali)
Gudoomiyaha ururka Wadaniga ah ee ODHA marwo Faadumo Siciid Ibrahim ayaa ah marwo ay dadka reer Somaliland guud ahaantii ay taageeraan sababtuna waxaa weeyi iyada oo qayb qaadata horumarka ka socda Somaliland haday noqon lahayd waxbarashada,caafimaadka,sports-ka iyo adeegyada kale ee lagu horumarinayo bulshada reer Somaliland.
Gudoomiye Faadumo ayaa waxay ka soo shaqaynsay hayado badan oo ay ka mid tahay Hayadda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay UNDP-Iyo hayado kale iyada oo inta badan xooga saari jirtay ka qayb qaadashada arimaha bulshada Somaliland Marwo Faadumo oo markii danbe Aasaastay Ururka Wadaniga ah ee ODHA oo ah urur ay Marwo Faadumo Siciid ugu talo gashay in uu ka shaqeeyo Arimaha Bulshada sida Ciyaaraha oo ay bulshada reer Somaliland ay baahi weyn u qabto si loo helo dhalinyaro reer Somaliland ah oo ka qayb galin kara ciyaaraha ka dhaca geeska Afrika ama aduunka oo ay ii noo hayso in aynu soo saarno dhalinyaro khibrad iyo waayo arag wanaagsan u leh ciyaaraha.
Dhanka kale waxaa uu ururku xooga saaraa waxbarashada oo ah lafdhabrta nolosha aadamaha oo aan la noolaan Karin wax barasho laaanteed ururka ODHA ee ay Gudoomiyaha ka tahay Marwo Faadumo Siciid waxa uu u taagan yahay horumarka iyo tayayta waxbarashada ,caafimaadka iyo waxtarka adeegyada aasaasiga u ah bulshada reer Somaliland.
Marwo Faadumo ayaa waxay can ku tahay ka qaby qaadashada iyo taageerida dhalinyarada reer Somaliland iyada oo aad arkayso dhalinyarada oo hadii ay wax u baahdaan ku odhanaya waxaa inaga caawinaysay ururka Wadaniga ah ee ODHA oo ay madax ka tahay Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo looga bartay in ay is barbar taagto dhalinyarada reer Somaliland kuna dhiiri galiso in ay iska ilaaliyaan waxyaabaha xun xun sida balwada oo ah mid dib u dhigtay dhalinyadaa reer Somaliland oo ay qaar kood cadaysteen in ay hadh iyo habeen ay cunaan qaadka iyo sigaarka oo ah balwadaha xunxun ee dhibaatada xun ku haya dalkeena Somaliland.
Gudoomiyaha Ururka Wadaniga ahee ODHA Shaki kuma jiro hadii ay isku soo taagto Doorashada Madaxweynenimada ee Soo socota in ay helayso cododka ugu badan ee shacabka reer Somaliland sababta oo ah waxay shacabka ka haysataa taageerada ugu badan.
Ugu danbaytii Waxaa markhaati madoon ah in ay Marwo Faadumo Siciid Tahay Hormoodka Haweenka Somaliland iyada oo loo baahan yahay in sidaa Marwo Faadumo Siciid oo kale u shaqeeyaan Haweenka reer Somaliland.

FROM gabiley