Guur xawilaad ah waa dhaqan ku cusub gayiga Soomaaliya, waxaana taariiq ahaan uu barigii hore yaraa ayaa aad u soo batay bartamihii sagaashameeyadii. Guurkan oo ah in nin dibada qurbaha ku nool uu soo dalbado haweeney kunool Soomaaliya ama haweeynay ay soo codsato wiil jooga Sooomaliyaa ayaa leh faa’iidooyin aan badneyn iyo qasaarooyin aan la soo koobi karin
Guur xawilaad ah oo ah qorshe ay dageen ama dajiyeen qurba joogta soomalida ayaa waxaa uu xoogeystay waxii ka danbeeyay 2000, waqtigaa oo ay aad u bateen soomalida tageysa wadamada dunida horey umartay.
Gabadhaha kunool gayiga Soomaaliya ayaa ah kuwa inta badan unugul guurkan waxaana aad uyar in raga ku nool gudaha dalka ay soo dalbadaan haween kunool meelo kabaxsan Soomaaliya maadaama ay haweenkaasi ubadan yihiin kuwo lageeyay meesha ay joogaan oo ay rag wateen.
Faa’iidadiisa
Guurkan waxaa uu faa’iido uyahay inyar oo kamida labada is guursaneysa, gaar aahan dumarka oo ah kuwa inta badan lasoo dalbado. Gabar kunool Soomaaliya ayaa lagayaaba in ay si lama filan ah kutagto meel aaney waligeed kuhamin sida yurub iyo waqooyiga America kadib markii uu soo dalbado inan ku nool dunida hodanka ah.
Guurkan waxaa uu faa’iido uyahay inyar oo kamida labada is guursaneysa, gaar aahan dumarka oo ah kuwa inta badan lasoo dalbado. Gabar kunool Soomaaliya ayaa lagayaaba in ay si lama filan ah kutagto meel aaney waligeed kuhamin sida yurub iyo waqooyiga America kadib markii uu soo dalbado inan ku nool dunida hodanka ah.
Qoysaska ayaa guurkan ka hela faa’iido umuuqata in ay baayamushtar ka sameeynayaan gabdhahooda. Waxaana ku adkaata in ay ka aaamusaan wiil wata boorso madow oo uu ku doonayo gabadhooda.
Qasaaradiisa
Guurkaan waxaa uu qasaaro u yahay in badan oo kamida dhalinyarada soomalida ee kunool dalkan ay colaaduhu ragaadiyeen.
Guurkaan waxaa uu qasaaro u yahay in badan oo kamida dhalinyarada soomalida ee kunool dalkan ay colaaduhu ragaadiyeen.
Waxaa lagayaaba in wiil iyo gabar jooga dalka jaceelkooduna uu meel wanaagsan marayo uu soo dhax galo xaaji wata boorso lacag ka buuxdo. Taas oo naxdin ku ah jaceylkii labadaas qof. Waxaana uu ninkaasi udhowyahay in uu guuleysto, isagoo durba abaaraya waalidka gabadha, tiiyoo ay ku xigto – ninkan baan kusiinay iyo maya jacyal baan leeyahay iyo far duco iyo far habaar kal dooro - ama in xoog wax kasta loo isticmaalo.
Dadka qurba joogta ah oo iyagu leh fikrada guurkan ayaa umuuqda dad aan dhowreyn xuquuqda ay leeyihin dhalinta shaqo la’aantu heyso ee Soomaliya kunool.
Baaritaano aan ku sameeyay gurkaan iyo doodo badan oo aan kaqbtay ayaan ku ogoaday in ay jiraan dad badan oo dhibanayaal ah oo ay dhibaatooyin kasoo gaareen guurkan xawilaada ah; hadii ay ahaan leheyd jirdil gabdho loo geystay iyo rag dharkii tuurtay oo waashey.
Raga da’da ah ee ku nool Yurub iyo waqooyiga America ayaa ah kuwa inta badan isticmaala guurkan si ay u helaan gabdho yar yar oo aan xisaabtankoodu badneyn oo waliba juhalo ah.
Baaritaanada qaar ayaa muujinaya in dumarka lagu guursado guurka xawilada ah aaney u badneyn kuwa wax bartay sababtoo ah kuwa waxbartay oo laga yaabo in ay layimadaan laxisaabtan kale hadii xitaa ay guurkan ogoladaan.
Arinka ugu naxdinta badan ee uu leeyahay guurkan ayaa ah in qoysaska ku nool qurbaha, marka ay caruurtoodu halawdo ama ay hoos udhac kutimaado raganimada caruurtooda ay ku aqlaaq celiyaan ama raganimadiisa ku tijaabiyaan gabar kunool Soomaaliya, iyagoo soo abaara qoyaska ugu saboolsan eheladdooda joogta dalka ee hablo ay ujoogaan, iyada oo qoyskaasi loo balan qaado dhaqaale ay kaga badbadaan busaarada ka jirta dalka.
Qaar kamida Dadkii fikiradooda kadhiibtay guurkan ayaa kubaaqay in hayadaha udooda xuquuqda aadamaha ay soo faragaliyaan arinkaan oo ay qaar ku tilmaameen xadgudub kadhan ah xuquuqda aadanaha.
Cilmi baaris lasameeyay ayaa muujineysa in badi uusan raagin guurkan madama ay adag tahay is fahamka labada qof oo aan waligood is arag oo aan wada hadlin ama lagu dirqiyay guurkan.
(source:xogsheeg.com)