Hay’adda Cilmi baarista iyo Wadatashiga CRD ayaa dood wadaag ku qabatay magaalada Muqdisho, waxaana doodda ka qeybgalay madaxda ka socotay Dowladda Soomaaliya oo uu horkacayay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali iyo xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda.
Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Doodda xubno ka socday Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed. Dood-wadaagga oo lagu qabtay Xarunta Dugsigii Booliska ayaa waxay ku saabsaneyd Nabadda, horumarinta iyo is-dhexgalka Bulshada.
Doodda ayaa xiiso yeelatay kaddib markii ay doodda u gudubtay arrimaha Horumarinta iyo Ammaanka, iyadoo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo arrintaas ka hadlayna uu sheegay in wax ka qabashada nabadda iyo horumarinta looga fadhiyo dadka Soomaaliyeed.
Ra’iisal Wasaaraha oo sii hadlayay waxaa uu si kulul u weeraray Hay’adaha Qaramada Midoobay ee dhinaca horumarinta qaabilsan, wuxuuna sheegay in Hay’adahaas ay lacag badan ku qaataan magaca Soomaaliyeed, hayeeshee aysan waxba u qaban dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
“Hay’adaha UN-ka waxba kuuma keenayaan ee waxay dullaalaan waxa ay magacaaga ku soo qaataan, waxna uma qabtaan dadka Soomaaliyeed oo hal dugsi ma dhisaan, hal ceel ma qodaan, hal isbitaalna ma dhisaan”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in aan gacmaha loo hoorsan Hay’adaha UN-ka balse ay isku tashadaan dadka Soomaaliyeed.
Su’aal kale oo ku saabsaneyd Ammaanka ayaa Ra’iisal Wasaaraha la weydiiyay, iyadoo su’aasha ay ku jirtay in Ciidamada Amisom ay mushaar badan qaataan, halka ciidamada dowladdana loo la’ yahay mushaar aan badneyn, “Aniga ma ogi inta uu la egyahay musaarka Amisom balse Askariga Soomaaliyeed wuxuu qaataa 100$, laakin aan isweydiinee ayaa laga rabaa in uu mushaarkiisa bixiya Askariga Soomaaliyeed. Waxaa laga rabaa dadka uu ammaankiisa sugayo, ganacsatada ayaa laga rabaa, Qurbo-joogta ayaa laga rabaa iyo cid kasta ee ma ahan in aan aniga bixinayo iyo in uu Shiikh bixinayo”ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo muujiyay in ammaanka Muqdisho uu ka soo hagaagayo sidii uu ahaa dhowr bilood ka hor.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online