Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in hal askari uu kaga dhintay 11 kalena ay kaga dhaawacmeen qarax ciidamada Kenya lagula eegtay maanta oo Khamiis ah magaalada Mandheera ee dalka Kenya.
Afhayeenka booliiska Kenya, Major Emannuel Chirchir ayaa sheegay in shan ka mid ah askarta dhaawacmay ay xaaladoodu aad u daran tahay, iyadoo laga dhoofiyay magaalada Gaarisa loona qaaday Nariobi si loogu daweeyo, halka askartii kale lagu daweynayo isbitaalka magaalada Mandheera.
Dhammaan askarta dhimashada iyo dhaawaca uu soo gaaray ayaa la sheegay gaari ay leeyihiin ciidamada milateriga Kenya oo qaraxa lagula beegsaday Mandheera sida uu sheegay Fazul Cabdinuur oo ka mid ah golaha maamulka gobolka waqooyiga bari ee Kenya.
Ciidamada ammaanka Kenya ayaa 300 qof u xirxiray qaraxa, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Mandheera Maxamed Aadan Khaliif, isagoo sheegay in dadka la qabqabtay qaarkood la garaacay, wuxuuna intaa ku daray in ciidamadu ay jabiyeen ciidamada.
"Mar walba oo qaraxa uu dhaco ciidamada ku sugan degmadu waxay beegsadaan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada," ayuu yiri guddoomiyaha Mandheera oo intaas ku daray. "Waxaan ka baqayaa in arrintan foosha xun ay sii socoto, waayo tani waxay niyadjab ku keenaysaa shacabka mana jiro ruux caawinaysa ciidanka."
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxa lagu weeraray gaadiidka ay wateen ciidamada Kenya, iyagoo sheegay inay askar badan ku dileen, waxayna ku tilmaameen weerarkan mid ka mid ah weerarro ay uga aargudanayaan dowladda Kenya.
Kenya aya waxay kumannaan askarteeda ka mid ah gelisay dalka Soomaaliya bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay mas'uul ka tahay dilal iyo afduubyo ka dhacay deegaannada ku dhow soohdinta.
Weerarro kala duwan ayaa ka dhacay gudaha dalka Kenya tan iyo markii ay askarta Kenya u gudbeen Soomaaliya, waxaana tani ay walaac xooggan gelisay madaxda iyo mas'uuliyiinta dalka Kenya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online