Waxaa maanta ka furmay xarunta Wasaarada Cadalada iyo Arimaha diinta ee magalada Garawe aqoon iswaydaarsi ay ka qayb galayaan inka badan 30-qof oo isugu jiira Culuma awdiin Odayaasha dhaqanka iyo Ururada Haweenka oo kala yimi Gobolada iyo Degmooyinka Puntland.
Mudada uu tababarku socdana waxaa diirada lagu saaridoonaa xalinta khilaafaadka iyo xoojinta Nabada dadka ka qayb galayana waxaa ay kala yimaadeen Gobolada Nugaal, Bari ,mudug Karkaar iyo Degmooyin ay ka mid yihiin Galdogob , Xumbays.
Faadumo Abshir Gayre oo ka socotay hayada NCA oo iyadu tababarkan fulinaysa ayaa sharaxaysa meelaha ay dadkani kala yimadeen iyo muhiimada uu leeyahay aqoon iswaydaarsigani waxaana ay sheegtay in muhiimadiisa ugu wayni uu yahay sidii dadkan oo laga soo xulay Bulshada Punland loogu samaynlahaa waayo aragnimo ku saabsan xalinta iyo dhexdhexaadinta khilaafaadka iyo xoojinta nabada Punland Lagan doonayo in hadhow ay ka qayb qaataan xaallinta khilaafaadka bel;aha iyaga oo aysan jirin ciid u xilsaartay iyo cid maal galinaysa midna.
Wasiirka wasaarada Cadaalada iyo Arimaha diinta ee Puntland C/khaliif xaaji xasan {Ajaayo} oo si rasmi ah u furay tababarkan ayaa ku booriyey Culumada iyo Oday dhaqameedkaba in ay xoojiyaan ka Shaqaynta nabada Ayna muhiim tahay in laga gudbo dhibaatoyinka qabiilku gaystay mudadii ay meesha ka maqnayd dowladii dhexe ee Somaliya isla markaana uu ku boorinayo dhamaan dadka Soomaliyeed Gaar ahaana reer Punland in ay U jihaystaan dhanka hormarka halkiibuu yiri ay ku sii jeesan lahaayeen qabiil-qabiil iyo colaado aan dhammaad lahayd.
Tababarkan oo socon doona muda Sedex Cisho ayaa ka qayb galayaasha waxaa looga faa'iidayn doona siyaabaha khilaafaadka loo xaliyo iyo muhiimada ay leedahay xoojinta nadgalyada iyagoona dib ugula Laaban doona Deegaanadii ay horay uga yimaadeen.
Yuusuf M. Maxamuud (Yuusuf Yare), Hiiraan Online
Yuusuf M. Maxamuud (Yuusuf Yare), Hiiraan Online