Xulka Soomaaliya oo gaaray Tanzania si uu uga qayb-galo ciyaaraha CECAFA oo Jimcaha ka billaabanaya

Xulka Qaranka K/cagta Soomaaliya ayaa shalay gaaray wadanka Tanzania, halkaas oo maalinta Jimcaha ah uu ka furmi doono koobka qaramada dadalka Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA Senior Challange Cup 2011, iyadoo ciyaarta furitaanka ee koobkan uu xulka Soomaaliya la ciyaari doono dhiggiisa Burundi.
Xulka Soomaaliya ayaa ka soo duulay magaaladda Addis Ababa oo maalimihii la soo dhaafay ay ciyaartoda qaranku ah ku sameynayeen tababarka u diyaargaroowga ciyaarahaan, kaddib markii dalka Itoobiya uu todobaadkii hore xulkeena ka reebay ciyaaraha K/cagta adduunka oo sanadda 2014 kadhici doona wadanka Brazil.
Somalia ayaa qeybta B kula jirta xulalka, Uganda, Zanzibar iyo Burundi, waxaana gruop-kan oo ah mid aadag uu xulkeenu ka fikiri doonaa sidii uu ula xaajoon lahaa ciyaaraha adag ee foodda ku soo haya, iyadoo muddo 7 maalmood fudahood ah ay ciyaartooydu ciyaari doonaan 3 kulan oo kala daran.
Kabtanka Xulka The Ocean Stars Ciise Aaden Abshir ayaa magaaladda Adis Ababa uga haray ciyaartooyda xulka Soomaaliya, iyadoo Tababaraha Soomaaliya Alfred Imone uu Kabtanka xulka u magacaabay difaaca garabka bidix ee kooxda Elman - Yaasiin Cali Cigaal.
Tababaraha cusub ee Xulka Soomaaliya Imone oo u dhashay wadanka Kenya ayaa laga war sugayaa isbedelka uu ku soo kordhin karo natiijada ciyaaraha xulka Soomaaliya ee Koobkan CECAFA, maadaamaa aysan Somalia weligeed ka soo gudbin heerka 1-aad ee Group-ka.
Tartankan oo socon doona muddo 16 maalmood ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay 12-ka dal ee Bariga iyo Bartamaha Africa, kuwaas oo kala ah Tanzania, Rwanda, Namibia iyo Djibouti oo ku wada jira Group (A), Somalia, Uganda, Burundi, Zanzibar (B), Sudan, Malawi, Kenya iyo Ethiopia oo isku arki doona Group C.
Faarax Blue, Hiiraan Online
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post