Kulan si heer sare loo soo agaasimay oo looga hadlaayey sidii loo joojin lahaa garaacista Caruurta xiliyada ay ku jiraan Waxbarashada ayaa lagu qabtay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Kulankaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid “Hogaamo Laroor”mas’uuliyiin sar sare oo ka socotay WasaaraddaWaxbarashada,Aqoonyahano,Culuma’udiin,Waalidiin,Guddiyada Waxbarashada Iskuulada kuyaala magaalada Qardho iyo dad kale oo farabadan.
Ugu horayn waxaa ka hadlay kulanka Isuduwaha Wasaaradda Waxbarashada Gobolka Karkaar Ustaad Bashiir AxmedGaaleeri,wuxuuna sheegay in Barnaamijkaan uu muhiim u yahay in wax badan ay ka ogaadaan waalidiinta dhalay Caruurta xiliyada ay galaan khaladaadka kala duwan,taasoo uu sheegay in ay keeni karto in Caruurtu galaan khaladaad kala duwan kuwaasoo dhaxalsiin karta in ugu danbeyntii galaan suuqa dabadeedna ay isku badelaan derbijiif.
Maxamad Siciid “Hogaamo Laroor” Duqa Degmada Qardho oo ka hadlay isna kulanka ayaa si qoto dheer uga hadlay saameynta ay Caruurtu ku yeelato gaarcista aan loo meeldayin ee lagula kaco xiliyada ay joogaan goobaha Waxbarshada iyo Xaafadaha ay kunoolyihiin.Wuxuu shaaca ka qaaday in ay haboon tahay in la si wado Barnaamijyada noocaani oo kale ah si loo joojiyo garaacista faraha badan ee loo gaysto Caruurta.
Cabdalla Yuusuf Muuse oo Barnaamjkaan ka waday gobolada Puntland oo hadal dheer kasoo jeediyey ayaa wuxuu ka hadlay ujeedada loo wado kulamada noocaani oo kale ah,wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay in wax laga bedelo habkii wax loo bari jiray ardayda maadaama buu yiri aduunku isbedel dhanka Waxbarashada ah uu gaaray in lala jaanqaado.
Mr. Cabdalla ayaa sheegay in ay jiraan tacadiyo kala duwan oo Caruurta kasoo gaarta xiliyada ay ku jiraan Waxbarashada kala duwan,wuxuuna soo qaatay tusaalooyin badan oo ay si dhab ah u soo arkeen intii ay ku guda jireen su’aalo weydiin ay ka sameeyeen inta badan dugsiyada nidaamiga ah ee kuyaala deegaanada Puntland.Wuxuu Waalidiinta ugu baaqay in ay joojiyaan garaacista ay kuhayaan Caruurta ay dhaleen si loo helo Caruur la jaanqaasa wacyiga ka jira Caalamka.
Si kastaba ha ahaatee wuxuu kusoo beegmayaa kulankaan xili dhawaan mid kan la mid ah oo ay kasoo qaybgaleen 60-qof oo isgu jirata macalimiin iyo gudiyada Waxbarashada Dugsiyada Hoose,Dhexe loogu qabtay magaalada Boosaaso.