London oo xaflad loogu qabtay wasiir ku xigeenka sports Somalia

Xaflad aad u ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Ururada  kala ah Somali International Football Association iyo Saleban Sports Foundation ayaa waxay ka dhacday magaalada London, ujeedada  loogu tala galay ay aheyd in loogu hambalyeeyo islamarkaana  laguna sagootinaayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda dhalinyarada iyo Sportiga Mudane Ali Afgooye ayaa waxay u dhacday  si aad u wanaagsan oo qurux badan.
Xafladaan waxaa ka soo qayb galay Jaalliyadaha Sports Soomaaliyeed  ee kala ah Jaalliyadda Liverpool, Bolton, Manchester, Birmingham, Leicester iyo Jaalliyadda ugu weyn e ee deganmagaalada London.
Xafladaan mid la mid ah oo aan ka dhicin dhawaanahan  dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka hadlay dhammaan bahdii sportska oo ay isugu jiraan ciyaartoydii berrisamaadkii, maamulkii sports ee dawladdii hore, tababarayaal iyo garsoorayaal, dhammaantood dadkaasi waxay talooyin iyo hambalyaba  u jeediyeen  wasiir ku xigeen wasaaradda Dhalinyarada ityio sportska mudane Cali Afgooye .
Waxaa kaloo dadkaasi wasiirka kula dardaarmeen in uu Ilaaheey shaqadan dhibka badan u  fududeeyo, dadkana uu kula dhaqmo dabci wanaag iyo caddaalad, islamarkaana  qaabka loo maamulo isboortiga dalka Soomaaliya waji ka duwan wajiga uu yahey laga badalo iyadoo gacanta dadka isboortiga ah lagu soo celiyo iyadoo loo marayo sharciga iyo cadaalada.
Markaa ka dibna waxaa khudbaddii la wareegay Wasiirka ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo Sportska Mudane Cali Afgooye, isagoo uga mahad celiyey hambalyaddi wanaagsanayd ee ay u soo jeediyeen saaxiibadiisa, kana guddoomay iyo fariimihii ay fareenna u gudbin doono  Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada iyo guud ahaan Dowlada Soomaaliya.
Bahda turxaan bixinta isboortiga ayaa si cad ugu sheegay inay doonayaan inay arkaan qaab ka duwan qaabka lagu socdo iyadoo la raacayo jidkii u waday AUN Marxuum Saleebaan Colaad Rooble, islamarkaana la isugu yimaado shirweyne lagu jaan gooynayo qaabka siyaasada isboortiga dalka Soomaaliya lagu qaabeyn lahaa hadii Allah idmo.
W/D:Yusuf Yusuf
SSPAMEDIA
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post