Noocyada ragga

Noocyada ragga
1. Xoog ku nin.
Waa ninka reerkiisa iyo ehelkiisa kula nool xoog, ee dilaaga ah. Dadka qaar waxa ay u yaqaannaan budh la yuurar. ninkaasi naxariis malaha, waxana lagu tiriyaa in aanu xagga maskaxda ka caafimaad qabin. Dhibta ugu badanna waxa uu u geystaa xaaskiisa iyo carruurtiisa.
2. Qabiil ku nin.
Waa ninka qabiilkiisa ku faana, ee aan isagu lahayn karti u gaar ah, had iyo jeerna ka hadla qabiilka. Ninkaasi waxa uu ninnimadiisa ka raadiyaa ku faanista qabiilkiisa. Inta badanna waxa la isku maan dhaafaa sheekada qabiil, oo uu had iyo jeer qabiilkiisana ammaano kuwa kalena hoos u dhigo.
3. Mansab ku nin.
Waa ninka nasiib u helay in uu ilaah mansab gaadhsiiyo, hase yeeshee ku tarki falay awooddiisa madaxnimo, kuna dhaqmay, eex iyo caddaalad darro. Ninkaasi mustaqalkiisu waxa uu ku dambeeyaa gooni iyo cidlo. Ubadkiisuna waxa ay bulshada kala kulmaan sharaf la’aan iyo karaamo la’aan. Markaasay dadku ku yidhaahdaan, reerkan waxa ku dhacday cuquubadii uu aabbahood dadka ka galay.
4. Qoore ku nin.
Waa ninka qoorihiisa u meel dayi waayey, ee shabeel naagoodka noqday. Waa nin guur iyo galmo badan, oo bulshada uu la nool yahayna kaga caam baxay qoodhnimadiisa. Raganimo kale malaha. Waa godad leh. Ubad iyo oorina uma roona. Kolba ta uu la joogo ayaa uu isku macaaneeyaa, oo uu isaga dhigaa nin geesi ah. Marka uu maalinta dambe warqadda siiyana dib uguma soo noqdo iyada iyo carruurteedba. Ninkaasi mustaqbal fiicanna ma yeesho, ooryihiisuna waa ay ka xumaadaan. Ubadkiisuna waa noociisa oo kale.
5. Khayaamo ku nin.
Waa wiilka yidhi waxa aan aqaannaa sida dadka loo kala dabbaro, ee loo siro. Waxana uu sheegtaa siyaasi. Xariifna waxa uu ku yahay khayaamada, waran-waryada iyo kala dillaalka shacabka. Had iyo jeerna waxa aan ka ag dhawahay talooyinka iyo ninka xukunka haysta iyo kooxdiisa. Dadkuse waxa ay u yaqaannaan beenaale, biribiri iyo wax la mid ah. Danta reerkiisana waxa uu ka door bidaa ta siyaasadda. Markaasay carruurta iyo xaaskuba ka hoos baxaan, oo waraabe u gacan galaan.
6. Magac ku nin.
Waa ninka magac ku faanka ah, ee mar walba la soo booda, miyaanad magacayga aqoon, oo aanad garanayn in aan ina hebel ahay. Kaasi waa ka ninnimadiisa ka raadiya magaca waalidkii amma ehelkiisa. Kibir iyo is qaad qaadka ayaana ku badan, waanu dareen badan yahay, had iyo jeerna mar kasta oo ay rag is galaan waxa uu tirsadaa gef in laga galay.
7. Arrin yaqaan.
Waa ninka marka arrin la leeyahay loo yeedho, ee talo laga raadsado. Ninkaasi waxa uu nin yahay marka ay arrini jirto. Waxana uu yidhi, waxa la ii baahdaa maalinta dhibi jirto. Inta kalena talada reerkayga ayaan u darbanahay.
8. Qalin ku nin.
Waa ninka waxbartay, ee ku faa’iiday. Laakiinse aan fariidnimo kale yeesheen, haddii aanu wax baran. Fariidnimadiisana waxa uu ka raadiyaa buug iyo qoraallo kale oo uu akhriyey.
9. Qasnaji.
Waa ninka dadku u yaqaannaan bakhaylka, ee wixiisa xafita, maalinta ay dhacdana loo cararo wax hel iyo wax waaba. Maalintaasi ayaa ay xaaskiisuna u qirtaa taladii uu xoolaha ugu ilaaliyey. Inta ka horreysana aad ayey uga cabataa.

10. Dumar shaneeye:

Waa ninka had iyo jeer jecel in uu u sheekeeyo dumarka. Ninka noocaasi ah waxa ay somalidu u taqaannaa dumar shaneeye. Waxana inta badan lagu xantaa in aanu garaad badan lahayn. Goobaha raggu ku kulmana kama soo daahiro. Dumarka qaarna sirahooda gaar iyo xantooda ayey u sheegaan, waxana ay u arkaan in uu dumarka la koox yahay.

11. Shisheeye kalkaal.

Waa ninka ehelkiisa iyo dadka uu ka dhashay amma la dhashay ka fogaada, una adeega dadyowga kale. Ninka noocaasi ah waxa ay dadkoodu u yaqaannaan shisheeye kalkaal. Oo lama jecla. Warkana waa laga qarsadaa. Shisheeyuhuna waxa ay ugu yeedhaan fariid, nin ballaadhan ammaba geesi cidloobay. Si fiicanna waxa uu ugu adeegaa dadyowga kale. Ninka noocaasi ahi tolkii taariikh xumo ayaa uu kaga dhintaa. Aakhirkana sida uu isku wanaaji is leeyahay ayey shisheeyihiina kala irdhoobaan. Isaga oo aan dhinacna ahayn ayaa uu hawada ka baxaa.

12. Ururshe.

Waa beel-daajiye, ilaah caqli siiyey, oo talo iyo taakulaynba loogu tago. Reerkii ninka noocaasi ahi ka dhashaana waa reerka talo iyo tusmaba lagu soo hirto. Ubadka uu dhalo ubadkiisuna waxa ay mujtamaca dhexdiisa mutaan sharaf iyo karaamo gaar ah.

13. Deeqsi.

Waa ninka amma odayga ku caambaxay qacan furnaan, ee lagu hadal hayo gacan qabasho iyo wax bixin. Ninkaasi ma guul darraysto, dadka uu la nool yahayna waxa ay u hayaan abaal badan. Talada beeshana isaga ayaa loogu kalsooni badan yahay.

14. Muqayil.

Waa ninka ku caam baxay jaad cunis, ee wax kasta ka jecel jaadka in uu labad canba ku ruugo. Dadkuna waxa ay u yaqaannaan jaad-qamax. Ninkaasi naftiisana uma roona ta reerkiisana waa ku liitaa. Dadka ku nool Yurub, siiba UK iyo Holland, kuwooda jaadka cunaa waa kuwa ugu liita mujtamaca.
Jaadkuna sidiisaba waxa uu ku seejiyaa shaqada, waxbarashada iyo dhaqdhaqaaqa nolosha oo dhan. Ninka bartaana iskama dayn karo.

15. Reerkii-ka-carar.

Ninkani waxa uu ku badan yahay qurbaha, gaar ahaan yurubta galbeed iyo woqooyiga Ameerika, waana ragga dulqaad u yeelan waayey korinta iyo maamulka carruurtooda, ee ka duda guryahooda amma u boqoola dhulyowga somalida amma meelaha kale. Isla markaana u tafo xayta meherado aanan waxba ka tarayn danta reerkiisa uu cidleeyey. Raggani waxa ay sabab u yihiin, qoysaska ay carruurtooda iyo hooyooyinkoodba ku tala xumoobaan qurbaha. Hooyaduna carruurtaasina ugu dambaynta itaal uma hesho in ay qabato hawshii laga rabay in uu aabbuhu qabto. Ninka noocaasi ahi meesha uu tagaba qas iyo wareer ayaa uu geliyaa.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post