Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland, ayaa soo bandhigay qorshe lagu xakamaynayo kharashaadka faraha badan ee ku baxa dhalinyarada is guursanaysa.
Guddidan wanaagfarista ayaa sameeyey daraasad ay ku ogaanayaan kharashaadka ku baxa arooska, iyagoo shacabka Somaliland iyo xukuumaddana usoo bandhigay nidaam yaraynaya kharashaadka, isla markaana dhiirigalinaya guurka, ciddii ku xadgudubtana ganaax lacageed lagu xukumi doono.

Dhalinyaradan Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan Caasimada Hargeysa ayaa dabar adag ku noqday kharashka faraha badan ee lagu xidho guurka, kuwaas oo aanay awoodin.
Arrintan ay guddidu soo jeedisay oo qaybo badan oo Somaliland ah ka hirgashay ayaa Odayada, Culimada iyo madax dhaqameedka Somalilland ka codsaday inay taageeraan nidaamkan guurka qaaligaroobay wax lagaga qabanayo.
Guddoomiyaha guddidan Md: X. Ibraahim Cabdilaahi X. Dool oo xafiiskiisa HOL ugu waramayey, ayaa warbixiyey marxaladaha iyo kharashka faraha badan ee ku baxa guurka maanta, isagoo sharaxaad ka bixinaya maalinta inanta la doonayo waxa ku baxa waxa uu yidhi "Inanta ayaa waxa lagu doonayaa Hotel oo dadkii labada dhinaca ka socday isku arkaya. Inanta ayaa hadana dhiganaysa xaflad ay hablihii saaxiibada ahaayeen ku soo casuumayso oo hotel iyana ka dhacaysa, waxa ay soo kiraysanaysaa koox music u tunta iyo baabuur dadka guryahooda lagu geeyo.
Hadana waxa is baranaya labada reer ee isguursaday dumarkooda taas oo inanka reerkoodu ay inantii soo booqanayaan iyada oo ay alaab badan oo qaaliya u keenayaan baabuur badana ay soo kaxaysanayaan" ayuu yidhi, mar kale isagoo marxaladaha arooska ka hadlayana waxa uu yidhi. "Habeenka Arooska waxa ku baxaya Inantii aroosada ahayd ayaa kofeer la gaynayaa, waxa la socda 10 hablood oo isku diraysana oo kharashku inantu qabto, waxa lagu galbinayaa baabuur badan oo waxa la gaynayaa hoteelka, waxa la keenayaa fanaaniin musik tumaya oo aanay shareecadu ogolayn, waxa ku xiga ducadii Wiilka qarabaadiisa iyo asxaabtiisa oo la samaynayo maalinta labaad ee arooska".ayuu yidhi
"Waxa ku xiga maalintii sodohda oo iyana keenaysa fujaanadii, soona raacinaysa fadhigii iyo alaab waaweyn, tusaale ahaan fadhiyo, qasaalad, Tv-yo, gogol iyo alaabooyin qaaliya, sodohdu waxa loo kiraynaya hotel ka duwan kii ay ku aroosatay, waxay soo kiraysanaysaa baabuur iyo Basas alaabta iyo dadka lagu guro Waxa kale oo la soo kiraysanayaa habro u baraanbura oo wata koox u jiibiya toddobaad ka horna la sii balansado, waxa ku xiga in inanka iyo asxaabtiisu ay furanayan fujaankii raga. waxa hadana ku xiga fujaankii hablaha oo loo yaqaan (fujaanka sabiibta, iyadoo Hotel kale loo kiraynayo oo sidii arooska oo kale, Kofoorkana lagu celiyo iyada iyo hablihii mixiisiinta u ahaa".
Dhamaan qodobadaasi kor ku xusan ayaa mid waliba waxa uu wataa kharash aan la xisaabin karin, taas oo badi dadka dhalinyarada ahi aanay awoodi karin.
Guddoomiyaha guddidan ayaa soo jeediyey Qoddobo lagu xakamaynayo kuwaasoo kala ah:
1. In guurkii maalinta gabaatiga ee lays waydiisanayo in la bixiyo $150 dollar,2. in inanta lagu galbiyo laba baabuur haddii ay sadex baabuur noqdaan waxa la ganaaxayaa 5000,000 malyan oo Somaliland ah shilling ah.
3. Arooska haddii 8:00 PM habeenimo lagu gaadho waxa la ganaaxayaa 5000,000 oo Somaliland shilling ah.
4. Fijaanadda waxa keenayaa hal joog oo subaga iyo hal joog oo muqumada oo inanka iyo gabadhu ku naaxaan.
5. Inanka iyo inanta waxa looga ducaynayaa masaajidada,
6. Islaanta sodohda ah ee inanta dhashay haddii ay khilaafto arrimahas masaajidada ayaa laga habaaray inay lug iyo gacan ka jabot" ayuu yidhi Dool waxa uu soo jeediyey " Rasuulkeenuna (SCW) waxa uu xadiis inoogu sheegay haddii uu idiin yimaado qof diintiisa iyo aqlaaqdiisa fiicantahay waa in aad u guurisaan, suuratul Nuurna ilaahay inoogu sheegay inaad u guurisaan dadka aan awoodi karayn guurka ee saalixaadka ah" ayuu yidhi.

Guddoomiye Dool waxa uu sheegay in qodobadani ka dhaqan galeen gobolada galbeedka Somaliland, isla markaana hadda ka hirgali doonaan magaalada Hargeysa, isla markaana masaajidada maanta oo jimce ah laga akhriyo doono.
Kumanaan kun oo dollar ayaa ku baxa guurka maanta, arrintaas oo caqabad weyn ku haya dhalinyarada Somaliland
Kumanaan kun oo dollar ayaa ku baxa guurka maanta, arrintaas oo caqabad weyn ku haya dhalinyarada Somaliland
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
Woow, mansha allah aad ayuu i cajabiyeyey sharcigan cusub ee lagu xakamaynaayo guurka qaaliyooway. Waayo markasta oo uu guurku aad kaado waxa badanaysaa sinaddaa. Markaas waa sifiican runtii.
ReplyDeletejecliyayeey jecliya haye haye waxas ayaa imarah ala fiicnaan laheyda hadii sharcigan cusub lagu xakamayn lahaa adunka oodhan, bulshadana gabar iyo wiil kalgaceyl ba dhax mari laha waxana yaraan lahaa sinada fosha xun oo adunka qaati laga tagan yahay,ninka hoshan asaas u ah waxan alle uga baryeyna inuu wax kheer badan ugu badalo..
ReplyDelete