Xukuumadda Kenya oo sheegtay inay duqeysay xeryo ay Al-shabaab ku lahayd Gobolka Jubbada Hoose

Afhayeenka ciidamada Kenya, Major Emannuel Chirchir ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay shalay duqeymo u geysteen xeryo ay Xarakada Al-shabaab ku lahayd deegaanka Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose.
Maj. Chirchir ayaa sheegay in xeryaha ay duqeeyeen ay ahayeen kuwo lagu tababaro ciidamada Al-shabaab, ayna khasaare u geysteen tababarayaal Al-Qaacida ka tirsan iyo xoogag taabacsan Al-shabaab oo la tababarayay.
"Weerarka waxaa qaaday diyaaradaheenna dagaalka, waxaana goobta ku sugnaa saraakiil Al-Qaacida ka tirsan oo tababar siinayay ciidamada Al-shabaab, khasaare ayaana gaarsiinnay," ayuu warbaahinta u sheegay Major Chirchir oo aan sheegin tirada dadka ku dhintay duqeynta.
Diyaaradaha dalka Kenya ayaa dhowr jeer oo hore weerarro duqeyn ah ka geystay gobolka Jubbada hoose, waxaana duqeymahaas ka mid ah mid loo geystay xero ay ku jireen dad barakacayaal ah oo ku taalla degmada Jilib, kaasoo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay barakacayaashii ku jiray xeradaas.
Sarkaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in diyaaradaha Kenya ay duqeeyeen dhul cidlo ah oo aanay cidna joogin, waxayna ku sheegeen sheegashadooda inay tahay mid aanay wax ka jirin, wax ciidamo ah oo laga dailayna aysan jirin.
Duqeynta ay sheegtay Kenya inay u geysatay xeryo tababar ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo dowladda Kenya ay horraantii bishan sheegtay inay duqeynayso 10 magaalo oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post