Beeraha Soomaaliya

Bedka Soomaaliya oo ah 63.8 million hecters [hektar] waxaa beerista ku haboon siddeed-meelood-oo-meel [1/8] ama 8 million hektar. Waxaase labeeri jirey in yar oo keli ah. Meelaha beeraha ugu haboon ee Soomaaliya waa inta ku xeeran labada webi ee Jubba iyo Shabeelle ee koonfurta Soomaaliy. Qiyaastii labada webi iyo dhexdooda waxaa beerista ku haboon 7.5 million hektar. Inkastoo aan si weyn loo beerin dhulka ku haboon beerista, hadana beeruhu waxay Soomaaliya ka yihiin hal-bawlaha dhaqaalaha ee waddanka. Waxyaabaha kasoo baxa beeraha, qayb waxaa lagu isticmaalaa waddanka gudiisa, qaybta kalena  waa ladhoofiyaa, halkaas oo laga helo lacag adag. Boqolkiiba-sagaashan (90%) Lacagta adag ee Soomaaliya soogasha waxaa laga helaa xoolaha nool iyo beeraha .
Waxyaabaha kasoo go'a ama ka baxa beeraha Soomaaliya waxaa kamid ah: Moos[muus], cambe, liin-macaan[liin-balbeelmo], liin-dhanaan, galley, haruur[masago], babaay, sonkor[qasab], qare, seytuun, canab, rumaan, raqay[xamar], baradho, bataato,cudbi[suuf], yaanyo, dabacase[kaarooto], sisin[sinsin], iyo weliba qudaar [khudaar] kala gedgedisan.
Magaalooyinka Soomaaliya ee ku xeeran labada webi, beeridana ku haboon waxaa kamida: Beledweyne, Jawhar, Balcad, Afgooye, Baardheere, Shalambood, Jilib, Jamaame iyo Kismaayo iyo kuwo kale oo fara badan.
Marka laga reebo labada webi, meelaha kale ee ku haboon wax beerista waxaa kamida; gobolka Waqooyi-galbeed, halkaas oo cimilada iyo dhulkuba ku haboonyahay beerista. Dhanka gobolka Bari waxaa kabaxa timirta. Geedka timirtu waa geed ku haboon cimilada kulul.
Roobka ku da'a Soomaaliya oo yar awgeed, badanaa soomaalidu wax kama beertaan wixii kabaxsan labada webi. Waana sababtaas midda ay soomaalidu u dhaqdaan xoolaha. Waayo waxaa u sahlan [reer guuraaga] in ay u guuran hadba meeshii roob kada'o.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post