Xoolaha Soomaaliya

Khayraadka ugubadan ee Soomaaliya leedahay waa xoolaha nool. Xooluhu waa meesha dakhliga ugu badan iyo nacfiga ugu wanaagsani waddanka Soomaaliya kasoo galo. Xoolaha Soomaliya qaybna waa ladhoofiyaa si looga helo lacag adag, qaybna waxaa laga helaa hilib, caano iyo subag saafi ah. Waxaa kale oo xoolaha laga helaa harag, kaas oo ladhoofiyo, farshaxanna laga dhigo iyo weliba iyadoo baadiyaha haragga loo adeegsado roobceliye lagabbaadsado xilliga roobka.

Xoolaha Soomaaliya waxay isugu jiraan geel, lo' iyo ari. Qiyaas ay samaysay Qaramada Midoobey hay-adda u qaabilsan cuntada iyo beeraha (F.A.O) sannadkii 1967, waxay sheegtay in xoolaha nool ee Soomaaliya ahaayeen 10.6 million. Kuwaas oo ka koobnaa:-
 
2,800,000 Neef - Lo'
2,500,000 Neef - Geel
2,100,000 Neef - Ido
3,300,000 Neef - Riyo

Waqtiga qiyaastaas kore lasameeyey (1967), tirada dadka Soomaalidu waxay ahay 4.5 million. Waqtigaas Soomaalidu boqolkiiba lixdan (60%) waxay ku tiirsanaayeen xoolaha nool.  [eegdadka].


Souce : Somalitalk.com
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post