URUR AY LEEYIHIIN HAWEENKA SOOMAALIYEED OO LOOGA DHAWAAQAY DALKA MASAR

Waxaa Maanta Magaalada Qaahira Looga Dhawaaqay Urur Loogu Magacdaray "Ururka Horumarinta iyo isku xirka Haweenka Soomaaliyeed" oo ay dhiseen Haween Soomaaliyeed islamarkaana aqoonyahaniin ah kuna nool Dalka Masar.

Mrs. Ilwaad Cabdulaahi Maxamuud oo loo doortay Gudoomiyaha Ururka Horumarinta iyo isku xirka Haweenka Soomaaliyeed oo saxaafadda la hadleysay ayaa waxey ku dheeraatay ahmiyada uu u leeyahay Ururkaan Haweenka Soomaaliyeed ee Ku nool Dalka Masar, Waxeyna Balanqaaday in uu Ururkaan Ka Caawin Doono Dumarka Soomaaliyeed Wax Barashada iyo Arimaha Caafimaadka Ayidoo Sidoo kale sheegtay In Ururkaan u Sameyn Doono Haweenka Soomaaliyeed Xirfado ay ku shaqeestaan waxeyna Carabka ku adkeysay in ay tahay Ujeedada Ururkaan Loo asaasay tahay Sidii Dumarka Soomaaliyeed looga Hormarin Lahaa Dhan Walba.


'Ururkaan Horumarinta iyo isku xirka Dumarka Soomaaliyeed waxaan asaasnay 26/10/2007 Lakiin dadaal badan kadib waxaa inoo suura gashay in aan ku dhawaaqno maanta oo ay tahay Tariikhdu 01/03/2008, Waxaana Nugu Qasbay in aan Ururkaan Asaasno kadib Markii aan aragnay baahida Loo Qabo urur u doodo Xaquuqda Dumarka Soomaaliyeed ay leeyihiin Kana Shaqeeyo harumarintooda' ayey Tiri. Waxeyna Intaas Sii raacisay in ay yahiin Ujeedooyinkooda Ugu Muhiimsan ee Ururka Horumarinta iyo isku xirka Haweenka Soomaaliyeed loo asaasay;

-ka shaqeynta Sidii ay u Heli lahaayeen Dumarka Soomaaliyeed xaquuqdooda.

-ka shaqeynta Sidii Dumarka Soomaaliyeed ay uga qeeb geli lahaayeen Shaqa kasta.

-Ka shaqeynta sidii Raga Soomaaliyeed loo fahansiina lahaa in ay dumarku laf dhabarka Bulsho Walba.

-ka shaqeynta iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka mar walba ka hor taagan Dumarka Soomaaliyeed Ujeedadooda.

-ka hortaga cid walba oo kasoo horjeedo in Dumarka wax bartaan.

-Ka hortaga Gudniinka Fircooniga ee Lugu sameeyo Gabadhaha Soomaaliyeed


Magacayada Xubnaha asaasay Ururkaan ayaa Waxaa Ka Mid Ah.

1.Mrs. Ilwaad Cabdulaahi Maxamuud Gudoomiyaha

2.Nasro Cabdixaliim Ku xigeenka Ururka

3.Maariya Cali Cabdulaahi Xoghayaha Guud Ee Ururka

4.Ismaciil Cusmaan Muxayadiin Madaxa dhaqanka Ururka

5.Nasro Cumar Maxamed Madaxa Arimaha Bulshada ee Ururka

6.Nimco Haaruun Cusmaan Madaxa Arimaha Maaliyadda ee Ururka

7.Buseyna Saciid Maxamed Madaxa Arimaha Warfaafinta ee Ururka

8.Xasan Axmed Ku Xigeenka Arimaha Warfaafinta ee Ururka

9.Ismaciil mantaan Calow Ku Xigeenka Arimaha dhaqanka ee Ururka

10. Sucaad Cali Jaamac ku xigeenka Arimaha Bulshada ee Ururka

11.Sucaad Bare Ibraahim Ku xigeenka Arimaha Maaliyadda.

Waa Markii Ugu horeysay ee Urur Nuucaan Ah Looga Dhawaaqo Magaalada Qaahira iyadoo ay kunoolyahiin kumanaan Haween Soomaaliyeed ah kuwaasoo had iyo jeer ay lasoo gudboonaadaan dhibaatooyin kaga yimaado dhinacyo kala duwan,Waxeyna ku Tilmeen haweenka Soomaaliyeed ee Ku nool magaalada Qaahira Guul usoo hoyatay Dumarka Soomaaliyeed Waxaa Sidoo kale Soo Dhaweeyay Dhisada Ururka Hay'addo Caalami ah oo xarumo ku Leh Dalkan iyo Madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar iyo waliba Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira.
Hadii aad dooneysid inaad xeriir la sameyso ururkan waxii talo iyo Tusaale ah kala soo Xeriir E.mailadan 
ilwaad83@hotmail.com
rajiina100@hotmail.com 

ama Taleefankan: +20101372324

Ismaciil Saxaaf
Saxaaf@hotmail.com
Qaahira-Masar 
Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 2, 2008
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post