Muqdisho: Kulan dhibaatooyinka dhallinyarada looga hadlayay oo la qabtay

Kulan looga hadlayay sida dhibaatooyinka looga saari karo dhallinyarada ayaa maanta ka dhacay xarunta dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Abuu Xaniifa ee Ex Waabari cusub, waxaana soo qaban qaabiyay ururka dhaq dhaqaaqa nabadda iyo horumarinta bulshada (ADFO).
Kulankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay waalidiin, dhallinyaro ka kala socotay degmooyinka gobolka Bannaadir, waxaana halkaas ka hadlay Axmed Diini oo ku hadlayay magaca ururada bulshada rayidka, waxa uuna dhallinyarada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadda, islamar ahaantaana dal walba ay dhisaan dhallinyartiisa, aysan ka qeyb galin dagaallada dalka ka soconayo.
Guddoomiyaha degmada Waabari Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in lama huraan tahay in dhallinyarada ahaadaan kuwo had iyo jeer u taagan nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya, kana fogaadaan buu yiri wax waliba dhibaato u keenaya shacabka Soomaaliyeed dagaallada iyo colaadaha aafeeyay.
Ugu danbeyntii, guddoomiyaha dhallinyarada qaranka Soomaaliyeed Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay dhallinyaradu, in ay tahay lama huraan ka shaqeynta nabadda, door muhiimna ka qaataan sidii dhallinyarada Soomaaliyeed isku xirnaasho umuujin lahaayeen.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post