Berbera: Kulan looga hadlayay dhibaatooyinka gudniinka fircooniga

Kulamo looga hadlayay dhibaatooyinka caafimaad darro ee uu dumarka Soomaaliyeed u leeyahay gudniinka fircooniga ayaa lagu kala qabtay magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, kaasoo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Geeska Afrika.
Kulankaan ayaa isugu yimid waxgaradka bulshada oo isugu jiray odayaal, haween, culimaa’udiin iyo dhallinyaro, kuwaasoo si weyn uga dooday siyaabaha looga guuri karo dhibaatooyinka uu wato gudniinka fircooniga, iyadoo culimaa’udiinkii ka hadlay goobta ay sheegeen in aysan diinta waafaqsaneyn habka gudniinka fircooniga, waxayna ka codsadeen bulshada in la adeegsado caqli iyo dhaqanka saxda ah, si looga gudbo dhibaatooyinkaas.
Dhanka kale, magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale lagu qabtay kulan looga hadlayey dhibaatooyinka bulshada Soomaaliyeed uu u leeyahay gudniinka fircooniga, iyadoo ay ka qeyb galeen bulshada ku nool halkaasi.
Muuse Cali Faruur oo ka mid ah dadka dhaqan yaqaannada ee Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gudniinka fircooniga  uu yahay caado, balse uusan aheyn shey diini ah, isagoona bulshada ku booriyay in ay ka dheeraadaan gudniinka fircooniga iyo dhibaatadiisa.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post