Djibouti: Ka hortagga gudniinka fircooniga oo la soo gabagabeeyay

Caasimadda dalka Jabuuti ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay ololaha la dagaallanka gudniinka fircooniga ee gabdhaha.
Munaasabad loo sameeyay gabagabada ololaha oo ay ka soo qeybgaleen xubno ka socday xukuumadda Jabuuti, wasiirada haweenka ee maamullada Puntland iyo Somaliland iyo ururrada haweenka ee ka howlgalo dalka Jabuuti, ayaa waxaa lagu soo gudbiyay warbixin lagu ka hadleysa sida ay Jabuuti ugu guuleysatay la dagaallanka caadada gudniinka fircooniga ah.
Wasiiradda haweenka ee Jabuuti, Xasna Barqad Daa’uud, oo ka hadashay munaasabaddii lagu soo gabagabeynayay ololaha ayaa sheegtay in Jabuuti ay si rasmi ah ugu biirtay dalalka ansaxiyay in la tirtiro gudniinka fircooniga.
Ololaha ayaa waxa uu dalka Jabuuti ka socday mudo saddex sano ah, iyadoo hadana ay u muuqato in dalkaasi laga suuliyay caadada gudniinka fircooniga.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post