Shir ku saabsan gudniinka fircooniga oo ka furmay Garoowe

Haween ka kala socday qowmiyadda Soomaalida ee ku kala nool dalalka Geeska Afrika ayaa maanta waxaa uu shir uga furmay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo looga hadlyo dhibaatada gudniinka fircooniga ah uu ku hayo hablaha.
Shirweynaha oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda hawenka iyo arrimaha qoyska ee maamulka Puntland ayaa socon doono muddo labo cisho ah, iyadoo ay maalgelisay hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta.
Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska ee maamulka Puntland, Caasho Geelle Diiriye oo furitaankii shirka ka hadashay ayaa sheegtay inay ujeeddadu tahay inay haweenku go’aan mideysan ka gaaraan gudniinka fircooniga.
Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Maryan Aweys Jaamac oo ka qeyb galeysa shirka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in dadka laga wacyigeliyo dhibaatada uu leeyahay gudniinka fircooniga.
Haweenka shirka ka qeyb galaya ayaa ka kala yimid dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa haweenka Soomaalida ah ee ku nool dalka dibaddiisa.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post