Naag Soomaali ninkeeda sun siisay marka lala guursaday kaddib

Dhacda Xanuun Iyo Uur KuTaalo Leh Ayaa Waxa ay Ka Dhacday Maalintii Arbacada aheyd Dalka soomaaliya Qaasatan Magaala Madaxdiisa Muqdisho, Kadib Markii Haweeney Marwo Aheyd ey Seegeyda Raashinka ugu dartay Walxo aysan Ilaa Haatan Dhaqaatiirta Reer Muqdisho Aysan garan.
Haweeneydaaan oo Ninkeeda Dhawaan la Guursaday Naag kale ayaa Waxa la sheegay iney Maseyr Daran ka Qaaday haweeneyda Kale ee Min Yarada u Noqotay, Ehelada Qoyskan oo ay  ayaa Ka Gaabsaday ineey Faah Faahin Ka Bixiyaan dhacdadan foosha Xun.
Balse Haweeney La daris Qoyskan ayaa Noo Sheegtay in Dhibkan kusoo Kordhay Qoyskan uusan Ka Horeyn markii Xasan Yacquub oo ah Aabaha Guriga uu La Aqal Galay Qoyskan danbe, Haweeneydaan oo diiday in Magaceeda lasoo Xigta ayaa  Sheegtay in labadii Maalin ee ugu danbeysay Xasan Yacquub Xaaskiisa Ay Ka Daba Waregeysanaysay Nin kamid ah Dadka Loo Yaqaan Kitaab Gaablooyaasha.
Haweeneydaas ayada oo Hadalkeeda Sii wadata waxa ay tiri ” Xili uu Qadeynayay ayaan Ka war Helnay in Xasan Markii uu Dhowr Cantuuga ah oo Raashin ah uu qaatay uu Matag ( Hunqaaca) Bilaabay ilaa Heer uu Fadhigii uu Fadhiyay uu Ka Dhaqaaqi waayay, waxaana isla Xiligaasba loola Cararay isbitaalka hayeeshee Dhaqaatiirta Meysan Garan Cudurka Haya Xasan Dhiigiisa oo Baaritaana Lagu Sameeyay Waxa ay Noqdeen Nagative, Calooshiisa waa ay Barartay Waxa uuna Wali Ku jira oo lagu Baxnaaninayaa Isbitaalka ayeey Haweyneydaas hadalkeeda Kusoo gaba gabaysay iayada oo Ilmeyneysa ”.
Hadaba Xaaska Xasan ee Looga shaki qabo in Raashinka Ninkeeda Wax Ugu Dartay ayaa Ilaa Haatan la Ogeyn Meel ay jaan Iyo Cirib dhigtay.

5 Comments

  1. Anonymous2/07/2012

    As/ca:
    Walaal waxaan ubaahnahay inaad ii sharaxdaan haddaad aqoon u leedihiin(Kegel Excercises) waxa uu yahay iyo sida loo sameeyo?....

    ReplyDelete
  2. Cajiib waaye, maseyrku waa jiro kudhacda rag iyo dumarba, waxaase lagaga gudbaa in illaah laga magan galo, si uusan kuu dhaxalsiin waxaad kashaleyso aduun iyo aaqiraba, maseyrka waa wado kugu fureysa walaac kalsooni daro iyo sheydaan oo kuu noqda wehel, allaah ayaan kamagangalnay la wehel noqoshada sheydaanka insiga ah iyo kan jinkaba,maseyrku wuxuu sababaa burbur qoys, dayac kuyimaada caruur badan, dalanbaab iyo jahwareer nololeed, adoo sharaf kunoolaa oo minweyn xurmo leh ahaa ayuu kaa dhigaa minyaro walaac kunool ah, maseyrku waxaa daweyn kara allaah kacabsi iyo qofka laga maseyray oo kusamra isbadalka kudhacay xaaskiisa uuna ka dhowro in gurigaa uu soo galo Sheydaan insiga, Maseyrku waa cudur sababa wax walboo rabi ka fogaansha ah, Sixir, Dil, Reerkoo duma, caruurtoo dayacanta, iyo waliba in aad kudhacdo qaladaad aan lagaa fileyn, kuna dhaxalsiiya aduun iyo aaqiro seeg, mid waxaan udardaarmayaa Dumarka oo waxaan leeyahay abaayo laguma nicine rag iyo damacna waa wada dhashaye hasameyn wax aad kashaleydo bari kuuna horseedi kara nolol mugdi ah, ha xumeyn xiriirka allaah iyo kan Ninkaadaba, saxiib wanaagsan sameyso, sirta Qoyskana adinka ha idinku ekaato, ha isku furin albaab kaa xiran quruxdaada waa inaad reer leedahay, ilmahaadana ha usababin in si fudud loo dhibaateeyo, kana ilaali iney kaaga koraan cuqdad, ilmaha hadey cuqdad kukoraan cidna ma anfacaan xataa naftooda ma anfacaan, wareyso qof kaa waayo aragsan, halasaaxiibin oo hawareysan qofaan kaa naxeynin, Samirku waa furaha horumarka aduun iyo aaqiro, kusamir qadarka eebe isagaa kaa ilaalinaaya hagardaamo oo dhan, haka tagin daacadnimo, adey kuu danbeyn sacaadada nolosha, Hadayicin fursada inaad ahaato xaaska koowaad, si aan laguugu intixaamin inaad noqoto xaas afraad, waxkastana waa qorshaha eebe ee aan badino baryada iyo alle kacabsiga illaahey nama dayici doono, allaha nawada xafido.

    ReplyDelete
  3. Anonymous2/13/2012

    Maseyrku wa nooc waalida ka mid ah

    ReplyDelete
  4. raggow markii aad xaas labaad gursaneysaan bilcaanta hore u sheeg ha ka qarin. iska sab sab , dahab sii, ama cimra gey hadii aad awood u leedahay, ama guri u gad oo magaceeda ku qor. hadii aadan tabar heyn carabkaada heyso ha ku dhihin tan cusub aya kaa fiican... maseyrka waa cudur waa loo dhintaa. dhacdo sheeko .. reer baa keynsaday gabar u shaqeyso , islaantii guriga laheyd ayaa ninkeeda ku tiri xaajiyow gabdha booyeesada gurigeeda gey waa habeen , xaajigii wuu kaxeeyey dhax markii la sii maraayo ayuu shukaansi ku taagay, , habenkii kale wuu mahersaday. reerkana wey u shaqeysaa, islaantii waxey aragtay qoftii guriga ka shaqeyneysay ,latimid qosol , odeygana raashin fiican siiso, waqti kadibgabdhii uur bey qaaday , wey u sheegtay in uu qabo xaajigeeda , naxdintii ey naxday sariir aye la kortay xanuun aya ku dhacay wey dhimatay.caruurtii qoftii horey dhashay ,iyo caruurtii qofta dan be isma arki karaan ilaa hadda. dhibkiina waa fiday. maseyrka xal malaha lkn basar badan aya jira. kow ha ka qarin. laba , qofta wax sii wax dhaxal gal ah. hadii aadan waxba heysan carabkaada ha laga nabad galo, ha u amaanin qofta aad guursatay... arinkaas sheekooyin badan run aya ka haayaa, lkn qoraalka dheer dadka waa ku daalaayaan qoraalka in uu gaaban yhay ayaa fiican .. gabagabo maseerka waa cudur aan daawo la'heyn. lkn basar yio xeylad aya lagu daaweeyaa macasalaama dhamaantiina.

    ReplyDelete
  5. Anonymous2/16/2012

    waar gabadh waalan bay ahayd taasi

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post