Nin seddex haween mar wada furay

Sida uu ku soo waramayo goob jooge qariyay magaciisa oo ku sugan magaalada Kismayo ayaa u sheegay wargeyska aayaha nolosha in maxkamada al-shabaab ay xarig bil ah ay ku riday nin ku noolaa magaalada ka dib markii uu hal mar wada furay sedex ka mid afar xaas oo uu qabay .
Goob joogaha ayaa sheegaya in xariga ninkaas yimid ka dib markii uu qirtay in sedex haween ee uu furay uu garaacay oo uu gacan ula tagay.
Baaritaano maxkamada degamada kismaayo ee kooxda al-shababa sameeysay ayaa waxaa ku cadaatay in in ninka uu gacan iyo lug la dhex kacay afartaas haween oo la sheegay in dhismo weyn oo ku yaal xaafada calanleey wada daganaayeen ka dib markii uu u soo galay iyaga oo doodaya oo cod dheer isku dhaafsanaya hadalo kulul.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in afartaba uu garaacay iyadoo sedex ka mid ah uu isla goobtaas ku furay .
Mid ka mid ah sedexda haween ee la furay ayaa dacwad geeysay maxkamda degamada kismaayo oo ku aadan in ninkeeda uu si xun u garaacay deedna uu furay .
Lama garan waxa dhab ahaan ku qasbay in hal mar wada furo sedex xaas middaasna uu ka reebto maadaama iyada qudheeda dood ay ku jirtay.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post