Nin derbijiif ahaa habeen iyo maalin gudahooda xidig ku noqday homless man in Columbus

Columbus wuxuu lahaa cod aad u weyn oo qurux badan wuxuu isu baddalay xidig habeen iyo maalin gudahooda, isla markii wuxuu helay dalabaad fara badan oo ka yimid meelo badan, marka lagu faafiyay youtubeka video laga duubay isagoo hadlaya
ninkan waxaa la dhahaa Ted Williams wuxuu ku tuugsan jiray jidka weyn ee Ohio USA dhiniciisa, wuxuu wadan jiray kartoon uu qortay inuu leeyahay cod qurux badan iyo inuu ahaan jiray qof barnaamijyo ka soo gudbiyo idaacad intuusan dhexgalin badda darooga iyo khamriga oo taas ay keentay inuu mustaqbalkiisa ku cayaaro, waxaa soo maray isagoo taagan jidakaas nin suxufi ah oo u shaqeeya jornaal ka soo baxo Columbus wuxuu ka duubay video oo uu ka muuqdo codkiisa oo doobo weyn leh kaddib youtubeka ayuu ku faafiyay islamarkii videogan iyo qisadiisa waxay u keeneen turaal siiba marka uu sheegay inuu iska daayay daroogada iyo khamriga labo sano ka hor, sidoo kale NBC iyo CBC aad ayay u soo qaateen qisadiisa waxay la kulmeen hooyadiisa oo 90 sano aan war ka helin 20 sano , wuxuu kaloo ka helay dalabaad meelo fara badan. marka aduunka waa sidan Allaha abuuray ayaa sidan u arsaaqo addoomihiisa
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post