Dowlada Holand oo walaac kamuujisey Dulimaadyada Turkish Airlines ee Magaalada Muqdsho

Saacado kooban kadib markii dowlada Turky ay shaacisay inay bilowday Duulimaadka Shirkadaha Turkish Airlines ee Somalia, durba waxaa biloowday Walaac ku aadan wax u qabashada Umadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Magangalya doonka dalka Holland Gerd Leers ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Turkiga Duulimaadka Somalia kabiloowday ay sababi doonto qul qul Muhaajiriin Somali hor leh oo ay ku soo yaacaan Wadamada Yurub.
Mr. Gerd Leers ayaa sheegay Turky inay tahay wadada kaliya oo dadka Magan-gelya doonka ka soo galaan Yurub, wuxuuna Turky ku dhalaaceeyay inay sii weynaysay wadadaasi.
Hadalkaan Kasoo yeeray Wasiirka Magangalya doonka dalka Holland Gerd Leers ayaa umuuqda mid niyad jab ku ah Umadda Soomaaliyeed, iyo is hor istaag weyn oo lagu sameeynaayo wax u qabadka Dadka dhibaatada ladegtay, waxaana indhaha laga qarsa karin Turky inay tahay wada Yurub loomaro, hase yeeshee waxaa is weydiin mudan hadalkaasi muxuu saameyn ku yeela karaa gar gaarka Turky ay Somalia ka wadaan.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post