Waxaa la helay Baybal oo la qoray 1500 sano ka hor oo cadeeyey Nabigeena صلى الله عليه وسلم inuu rasuul yahay

Waxa Caadi aheyd Dad badan oo Masiixiyiin ahaa Sanadihii u dambeeyay inay soo Muslimaan ayadoo sababta ugu weyna tahay Daliilada quraanka ee Cadcad si aad ah u faahfaahsan arinta ku Saabsan Nabi iise Korkiisa Nabad ha ahaatee iyo Hooyadiisa Maryama, waxaana Dad badan fahmeen Faahfaahintaas inaysan aheyn wax uu Nabi Muxamad Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee isaga naftiisa ka keensaday taasoo sababtay inay Islaamaan Dadkii Masiixiyada ahaan jiray ayagoo weliba jooga Dhulkoodii hooyo.
Waxaase Bishaan February 23dii Sanadkan 2012 intaas dheer in lasoo bandhigay Beybal Taariikh ahaan lagu qiyaasay ugu yaraan 1500 sano ka hor in la qoray kaasoo ay 12 sano ka hor gacanta ku dhigeen Ciidamada Booliska ee Turkiga ayadoo la doonayay in Tahriib ahaan looga saaro Dalka Turkiga.
Beybalkan ayaa ah ah mid aad muhiim ah marka loo eego Taariikhda la qoray, Qoraalada ku qoran iyo Farta uu ku qoranyahayba, Beybalkaan waxaa cadeynayaa in inuu Nabi Ciise ku Bishaareeyay Nabi kale Macna ahaana uu ku sheegay Muxamad inuu yahay taasoo dad badan ka yaabisay, Beybalkaan luqad ahaan waxaa uu ku qoranyahay Luqad Diin ahaan masiixiyada Xormeeyaan aaminsan yihiina inay tahay Luqadii ii Nabi Ciise ku hadli jiray ee loo yaqaanay (Aramaic) taasoo Kitaabkaan ka dhigeysa kan ugu Muhiimsan Kitaabada looyaqaan Injiilada ama Beybalada Nasaarada.

Beybalkan waxa uu ka sameysan waraaqo ahaan Maqaarka xoolaha farta ku qorana waa Dahabi far Guri ah –Qoraal Gacmeed- taasoo muujineysa inuu yahay qoaraaladii Dadkii hore waxaana arintaas soo jiidatay Booliska iyo Maxkamadaha Dalkaas Turkiga inay dabagalaan Tahriibiyayaalkii ayagoo ka shaki qaba suuragalnimada in la dhoofiyay tahriib ahaan qoraalo noocaan oo kale dhaxal gal u ah, taasoo keentay in Beybalkaan lasiiyo ahmiyad gaar ah lana dhigay Matxafka Wadanka Turkiga ee loo yaqaan (Ethnography Museum) ayadoo weliba ilaalo gaar ahna ay ka hayaan Ciidamo loo xilsaaray.
Turkiga markii ay baarayeen 12 sano kudhawaad ayay waxa ay shaaciyeen Bishaan Febraayo Sanadkan2012 taasoo aad uga Nixisay Viticanka oo ah heyada ugu sareysa Diinta Kirishtanka ayagoo aadna u dalbaya loo ogolaado inay aqriyaan qoraalada ku qoran, waxaana lagu qiimeeyay Biblekaas qiimo ahaan inuu u dhigmo 25 Milyan Doolar lacag gaareysa ama 45 Milyan Lacagta Turkiga ah.
Arintaan ku saabsan Beybalkan iyo Faahfaahintiisana waxaa ay aheyd Usbuucaaan arimaha ugu xiisaha badan waxaana hubaal ah in ay arintaan sii kordhin dooto Dadka Islaamka soo galaya gaar ahaan kuwa ahaan jiray Masiixiyada marka ay sii shaacdo arintan iyo kuwa lamid ka ah..


W/Q: Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post