dhowr qodob oo guriga ka dhigta midka ugu raaxo badan

1. Is xushmeeya
Isku day in aad is xushmeysaan labadiina lamaanaha ah, hadii aad dooneysid in adiga lagu xushmeeyo marka hore waa in xushmad lagaaga bartaa. Waxaa hubaal ah hadaad lamaanahaaga si xushmad leh aad ula dhaqanto, niyada aad daacad ka noqoto adigana in aad heleysid xushmad mid taa lamid ah. Hadii qoyskaaga xushmad iyo wanaag lagaaga barto asxaabtaadana xushmadaas iyo wanaagaas ayey kaala baranayaan, sidaad qoyskaaga ku dhaqatid ayaad dadkana ula dhaqmeysaa.

2. Noqo mid daacad iyo dulqaad leh
Xili walbo isku day inaad joogteeyso daacadnimo, hana noqon mid wax walbo oo lamaanihiisa sameeyo inuu ogaado rabo, waayo wax walbo waan ogaanayaa hadaad dhahdo wax badan ayaa halaabayo.

3. Isdareensiiya xuriyad
Dhageyso lamaanahaaga markuu doonayo inuu wax kuu sheego, haka horgeeyn war kale, xouriyad sii uu kuugu soo gudbiyo waxa qalbigiisa ku jiro, hadii uu xoriyadaas helo wixii qalbiga ku jirayna soo wada baxaan, qofkaasi wuxuu dareemayaa nafis, sidaa awgeed mar weliba isku day inaad xuriyad siiso oo aad dhageysato lamaanahaaga.

4. Mar waliba faraxsanoow.
Mar walba isku day in aad faraxsanaato, lamaanahaga ayey ka caawineysaa inuu kula faraxsanaado, isku day in wejigaaga xili walbo dhoola cadeyn ka muqato iyo kalgacal joogto ah.

5. Hadiyad bixiye noqo
Noqo mid xiliyada qaar lamaanihiisa ukeeno hadiyado kedis ah, hana dhayalsan waa arin muhiim ah oo siyaadin karta qoysky isku xirmaan, keenaysana jaceyl aan dhamaan iyo xiiso joogto ah oo la isu qabo.

6. Si wadajir ah wax ucuna
Qoyska oo had iyo jeer si wadajir ah wax ucuno waxey keeneysaa in xili walbo oo wax lacunaa qofkii maqan latabo, waa arin muhiim ah nolosha qoyska wax weyn ku soo kordhin karta hadii wax la wada cuno.

7. Ogow nolosha mar waliba farxad maaha
Nolosha waa wax maalin walbo is bedbedalaysa, mar waxa ay kugu soo martaa farxad iyo ado dhaqaalo isku haaysta, marne murug iyo dhaqaalo xumo. Waxaa loo baahanyahay labada waqtiba in leys garab taagnaado, wuxuu alle keenana lagu qanco. Ogowno nolosha lamaanahaada inaad macan iyo qadhaadh gacantaada uga dhigi kartid, aaysan hanti kuxirneen.

8. Waqti usamey qoyskaaga
Qoyskaaga sii waqti oo ha noqon mid waqtigiisa shaqo qaadato, marka uu xaafada yimaadana in uu qabeysto, casheeyo kadib jiif sii aado. Isku day qoyskaaga maalmaha aad shaqada fasax ka tahay inaad waqti usameyso sida jimcaha ama axada maalmaha aad shaqada ka fasaxantahay.

9. Ka shaqee xalinta khilaafaadka.
Ha noqon qillaaaf abuure, noqo mid u taagan ka shaqeynta qilaafaadka soo kala dhex gala qoyskiisa, ma jiro qoys aduunka ku nool oo qilaaf soo kale dhex gelin, laakin qilaafkaas yuusan ku saameyn ee u taagnow kashaqeynta xalinta qilaafaadka qoyska.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post