Muqdisho ayaan ku dhashay London na waan ku noolahay

Muqdisho ayaan ku dhashay London na waan ku noolahay

Soomaali tahriibaysa
Ereyadan waa ereyada ay ugu jecel yihiin inay ku hadlaan boqolkiiba 99 dadka soomaaliyeed, qof kasta soomaali ah  baasaboorkiisa waxaad ka arkaysaa : wuxuu ku  dhashay Muqdisho qof kasta Soomaali ah weyddii meesha uu rabo inuu ku noolaado jawaabtiisu waxay tahay waxaan jeclahay inaan ku noolaado  London.
Somaalida gariiga oo banaanka jiifa
sida la ogyahay marka laga soo cararay dalka ayaa dadka soomaaliyeed ku dadaaleen inay wada galaan wadamada reer galbeedka, taasoo laga dhigay inay tahay hadafka ugu weyn nolosha oo ay waajib tahay in lacag kasta lagu bixiyo, heer waxaa la gaaray in nafta khatar loo geliyo oo la raaco doon ay adag tahay sida looga badbaadi lahaa, dadka soomaaliyeed qaar baa waxay dhahaan yurub ayaan galaynaa ama waan dhimanaynaa isma weyddiinin nolosha maxay tahay, caqliyaridaas baa waxay keentay in dhibka dalka sii dheeraado gaaladiina ay ka faa'idaystaan dadka dhamaan ku wada dhashay Muqdisho, badda yemen iyo badda liibiya iyo badda itaaliya war la hubo ayay kuu hayaan.
dadlka gariiga
marka yurub la galona waxaa la raadiyaa si loo helo lacag aan la shaqysanin dadka qaarkii waxay iska dhiibaan dhowr wadan si ay lacag badan xaaraan ah u aruursadaan, qaarna gaalada been bay u sheegaan waxay ornayaan aniga iyo xaaska waan kala tagnay si ay lacag u kala qaataan, lama soo koobi karo dhacdooyinka noocan ahi,




kowda luulyo iyo beenta daljacaylka
labo gabar calanka dhunkanaya
kowda luulyo marka la gaaro waxaad moodaa dad jecel dalkooda naag iyo ninba calanka ayay ku dhegen yihiin, naagihii calanka ayay dhar ka dhigteen, ma arkaysid ruux soomaaliyeed is dhahayo war dalkeena waan ka dhigi karnaa sida dalalka reer galbeedka xagga dhaqaalaha iyo dhismahaba,





Basaboor aan warqad ahayn

Booliska gariiga oo naag soomaaliyeed garaacaya
badankooda waxay ku leeyihiin baasaboor ayaan ka soo qaadanayaa si aan u tago meel kasta adduun, yaa kuu diiday inaad ka dhigato boosaboorka dalkaaga hooyo mid aad ku tagi karto dalalka oo dhan, baasaboorkaaga waxa qiima tiray waa adiga haddii aad dalkaaga jeclaan lahayd baasaboorkaaga meel kasta waad ku tagi lahayd laakin marka lagu ogaaday inaad tahay fursad gaad oo markaad tagto wadamada reer galbeedka hor ayaad iska diibaysaa ruux jannada galaya oo kale, sow ma ogid baasaboorka inuu yahay caqiido, kama qaadan kartid wadan baasaboor adoon dhaar u marin ma isweyddiisay dhaartaas waxay tahay, teeda kale jirka iyo baasaboorka waa labo kala fog ma aha haddii aad qaadatay baasaboor yurubiyaan  inaad noqotay qof yurub ah, waayo waxaa ku ceebaynayo jirkaaga waxaad wadataa baasaboorka saxa ah oo ruuxa ku arko uu kugu garanayo midabka Ilaahay ku siiyay, weligiina ma aragteen qof ka bixi kara dadka uu ka dhashay ?
wiil calanka ku sujuudaya
waxaa kaloo jira dadka soomaaliyeed waa dad runta aan rabin waxay ku leeyihiin annaga waxaan nahay dad isku diin ah isku af ah isku dhaqan isku mad'hab ah isku midab ah haddana waxaad arkaysaa inaysan marnaba heshiin karin, wax kasta way isku khilaafeen hal shay mooyee midkaasi muxuu yahay ?  waa jacaylka wadamada reer galbeedka, qof kasta soomaali ah wuxuu ku fikirayaa habeen iyo maalin siduu ku gaari lahaa dalalka reer galbeedka, kuma fikirayo sidii nabad lagu heli lahaa, qofka soomaaliyeed hadduu ku bixin lahaa dadaalka uu ku bixinayo tahriibka iyo leenka  nabadda dalka iyo dhismaha dalka soomaali waa hore ayay soomaali toosi lahayd, tusaale ahaan dalka hindiya waxaa ka jira diimo farbadan waxaa ku nool dad kala duwan waxay leeyihiin afaf gaaraya boqolaal af haddana dowlad ayay leeyihiin, adiga isu barbar dhig Hidi iyo Soomaali.
Qarashka leenka lagu bixiyo

soomaali badankooda waa reer baadiye, adduuunka oo dhan waxay ka yaqaanaan keliya Muqdisho iyo London, haddii ay reermagaal ahaan lahaayeen dhibka soomaali intaan ma soo gaari lahayn, taas waxaa u sii dheer diinta badankooda dhab kama ah ee waxay ka tahay istus, waayo ruuxa diintiis si dhib u haysta ma jeclaan karo wadamada gaalada, wuxuu ku dadaalayaa inuu dalkiisa toosiyo haba ka qaadatee wax kasta, qof diin leh ma dhihi karaa aniga iyo xaaskayga waan kala tagnay iyagoon kala kalatagin ?
1 luulyo

marka ay wada galeen dadka gadaal-kagaarka yurub dadkii hore ugu noolaa aad bay u dhibtay qaarkoodab waxay soo aadeen dalalka carabta waxay dhahayaan ilmahayga ayaan la soo cararay badankooda waxay ka soo carareen dadka gadaal-kagaarka meesha soo wada buuxiyay badankooda tahriib ayay ku soo galeen, marka kii hore u deganaa wuxuu waayay wax uu ku faano ileen wuxuu ahaa qof aan aqoon lahayn, marka haddii uu maqlo ruux dhahayo aniga waxaan rabaa inaan yurub aado wuxuu oranayaa maxaad ka rabtaa yurub waa meel xun, haddii ay run ka ahaan lahayd isaga ayaa si toos uga soo tagi lahaa mar dambana uma laaban lahayn laakin wuxuu rabaa inuu isaga meesha ku noolaado dadka kalena aysan tagin, waxaana jira in ilmaha badankooda meesha ku lumeen lama sheegi karo waxa ka jira meesha.

marka ummada sidaas ka dhigatay nolosheeda miyaa laga sugayaa inay dalkooda badbaadiyaan oo diintooda qabsadaan, marka dadka soomaliyeed Ilaahay ha u gargaaro Ilaahayna qalbigooda haka nadiifiyo jacaylka wadamada gaalada


Post a Comment (0)
Previous Post Next Post