DHIBAATOOYINKA SOO KALA DHEX GALA LAMAANAHA IS JECEL MARKA AY KALA FOGAADAAN.

waxaan doonayaa in aan ka hadlo ama aan halkan ku soo bandhigo arin u baahan in aan kala taliyo dhamaan lamaanayaasha is jecel taas oo badanaa u keenta dhibaato dhanka lamaanayaasha is caashaqay waxaan in badan oo wakhtigan ah aan dareenaa in dhibaatooyinkaasi soo noqnoqdaan waayo hore ayaa loo yidhi jacaylkii kal dhoofa dhaayihii kala raaga dhibaataa dhex timaada” waxayna dhibtani badanaa soo wajahdaa marka labada lamaane ee mucaashiqiinta isku ahi ay kala fogaadaan iyada oo wakhti kala geeyey arooska iyo xidhiidhka meherka hortiis taas oo keenta in labada dhinacba shaki yimaado. Sidoo kale waxaa meesha yimaada saddexeeye iyo in gabadh walbaa iyo wiil walbaa ba iska dhaadhiciyaan in qof walba lamaane kale raadsanayo oo jacaylkiisii hore halkaa ku eegyahay hadii ay kala fogaadaan, sida in uu la socod iyo sheeko la sameeyo ama lasameyso gabadh ama wiil kuu doono ha noqdee dhalin yarada uu la kulmay ee uu meesha kula noolaaday iyga oo baray qof kale kana dhaadhacsiinaya in aan qof binu aadan ah laysku aamini karin oo leh dumar layskuma haleeyo ama ina rag aamin ma galo,balse labada lamaane ee kala fogaaday marnab isma weydiiyaan sida aad adigu daacad ugu tahay qofka aad jeclaatay ayuu isagaun daacad kuugu yahay waxaanad moodeysaa in mar walab qalbigiisa ay ka tan badan yihiin dadka uu markaas soo dhex galay maalmo yar gudahoodan waxaad arkaysaa qofkii oo jacayl cusub sameeyey isaga oo leh jacayl hore waan soo sameeyey laakiin waan ku guuleysan waayey !!! Ma kula tahay in qof qalbigiisu nadiif yahay oo jacaylkiisu in yar laabta kaga jiro in uu been ka sheegi karo jacaylkiisa dhabta ah oo uu odhan karo waan ku guuleysan waayey mise waxay kula tahay in uu odhanayo waxaan si xad dhaaf ah u jeclahay hal qof oo dunida ku nool hadan iga durugsan?

Maxaa keenay in qofku jacaylkiisii dhabta ahaa ee u horeeyey uu been ka sheego isaga oo leh waa isoo maray jacayl laakiin wuu guursaday ama layga guursaday ama waan kala hadhnay iyo kelmado badan oo been ah oo uu doonayo in uu ku beer laxawsado qofka markaas uu doonayo barashadiisa Runtii beentu waa mid aad u xun marka qofku kelmadaa leeyahayna ilaahay waa maqalayaa oo waxaa laga yaabaa in loo qaado oo dhab ay noqoto lagana guursado kadibna uu waali iyo isla hadal ku dhameysto waayo si walaba oo qofku uu u war wareego kama tago asal ahaantiisa jacaylkuna waa midka u horeeya ee dhabta ah in kasta oo dhalin yaradu jecel yihiin sidii ay marba qofka nafsadoodu doontay ula socon lahaayeen. Akhriste walba oo akhrista maqaalkan waxaan weydiinayaa su’aasha ah maxaad u tidhaahdaa kelmadaha aan kor ku soo xusay marka aad gabadh la kulantid adiga oo qarinaya jacaylkaaga ama marka aad wiil la kulantid ? taasi maaha ilaa hada mid ay dadku garanayaan waxa sababa laakiin waa xanuun ku dhex jira dadka is jecel ilaa xanuunkaa daawo loo helana wax hagaagayaa oo jacayl la odhan karaa ma jiro waayo beentu waxay mar walba burburisaa nolosha qofka binu aadanka ah mana u ogolaato in uu nolol raaxo ah ku noolaado, badanaa qoysas badan oo jacayl lagu dhisay ayaa muddo yar gudahood burbura taasina waa been ka dhex dhalatay dadka is jecel dhexdooda taas oo sababtay in kalsoonidu burburto. Ma jiro qof binu aadan ah oo wax u hagaajin karo sidii la doonaayey laakiin waxaa loo baahan yahay in laysku dayo dadka is jecel ee kala dheeraaday wakhtiguna u saamixi waayey in ay hal meel ku wada noolaadaan waxaan mid walba uga digayaa kana codsanayaa in ay jacaylkooda dhabta ah been ka sheegaan iyaga oo door bidaaya qof cusub barashadii ama la socodkii taasi hadii ay suurto gasho oo qofku jacaylkiisa dhab ka sheego kalsooni, qaderin, kaladanbeyn, iyo is aaminid ayaa imanay nolol raaxo leh oo aan welwel iyo welbahaar lahayna way ku noolaanaya lamaanayaasha is jecel meel walba oo ay dunida kaga nool yihiin. Ugu danbeyntii waxaan ka raali gelinayaa qof walba oo akhrista maqaalkan hadii uu khalad u arko qoraalkaaan soo bandhigay waxaan leeyahay ka raali noqda waayo ilaahay ayaan wax khaldin.

12 Comments

  1. Anonymous9/19/2012

    ASALAAMU CALAYKU RG, waxaan inaka codsanayaa inaad iwaydiisaan gabadha suniga ah hadii hal habeen loo galmoodo bahalka ragu toos mowgeli karaa ?? ciriirse madareemayaa ?? fadlan iiga jawaaba

    ReplyDelete
  2. Anonymous9/20/2012

    ASC WR WB marka hore waxaad mahad iska leh allah (sw) oo uu suuro galiyey in aan iska dhaafo siigo iyo sexfilm marka 2aad waxaa mahd usoo jedinaaya walaalaha webkan oo iga caawiyey arintaas oo aan hada kahor suaal weydiiyey kadibna isiiyey jawaab dhaxal gal i noqotey ilaah ii fududeeyey in aan ku dhaqmo IM 19 uaers old ...jazakllah kheyr hada waxaan kunoolahay nolol fiican iigu duceeya in ee ii waarto tnaks madaxda webkan hormar wacan

    ReplyDelete
  3. Anonymous9/20/2012

    asc. bahda webkan aad bay u mahadsanyihiin maqaalkan ay soo qoreen,, waxaan ka mid ahay gabdhaha ku dhaqan oo ku nool wadamada yurub, ani ninkayga waxan kugu kala nool nahnay laba wadan isku dhow,, hal gabarna waanu isku leenahnay, kala noolaanshahena waxaan dareemayaa inuu isbedel badan xagiisa sameeyay waxaan dareemay inuu xiriir kale leeyahay ama naag kale halkaasi uu ku samaystay,, hada guurkeenii kalsooni daro iyo tashwiiash badan baa ku furan ,, isagana run marnaba iima sheego oo wuu inkiraa markastoon wax weydiiyo,, mana garanayo ilaa hada waxaan xal ka dhigo.. in badan baan ku fekeray inaan ka tago,, ila hadana naftaydana go'aan ma gaarin,, bal walaalayaal waxaan idinka codsanayaa inaa talo igu soo caawisaan saan nolosha gurigayga u badbaadin lahaa,, qalbigayga aad buu isu bedelay ,, niyad jab badan baa iga muuqda,,, mana garanayo saan nolol wadaag ula sameeyo nin i qiyaanay.. wabilaahi tawfiiq

    ReplyDelete
  4. Walaal waxa aad ka sheeganaysid waa wax inta badan la arko, marka adiga yaqiin ma hasatid ee waxaad ku duulli rabtaa shaki, kaba soo qaad xaas kale ayuu samaystay maxaa dhib ah oo ku jira ? haddii aad ka tagto si kasta nin ayaad u baahan tahay sow kama fiicna ninkaaga inaad iska haysato waayo ninka kale ka waran haddii isagana sidaas kugu sameeyo miyaad ka sii tagaysaa ama waad haysanaysaa, marka walaaley waxaa ku dhihi lahaa shakiga iska daa ee gurigaaga dhaqo, iskana ilaali haweenka la soo furay waayo waxay kula talinayaan furriin ileen waxay rabaan inaad badda isla dabaalataanee

    ReplyDelete
  5. Anonymous9/21/2012

    walaal waad mahadsantahay taladaada,, balse walaalo kama duulayo shaki, waa wax dhaba oo jira inuu naaq qabo ee isaga ayaa rabin inuu cadeeyo,, ilaah baa baneeyey inuu guursado laakiin waxaan diidanahay qirasho la'aanta,, waase runtaa nin kale hadii uu yimadana la garan maayo inuu saas sameynayo iyo in kale,, dhibka jiraa wuxuu yahay qalbigaygii baa jeestay oo dhaawacmay hadii xitaa aan la joogo qalbi farax iyo niyad kulama joogo muuqayga baa jooga maankayguse ma joogo ,, waana hubaa sidii hore uma noqonayo,,waxaase alle ka baryayaa inuu sidaan si ka bedelan qalbigayga ka dhigo si reerkaygu ku badbaado,, adna waad mahadsantahay walaalo taladaada wanaagsan. wabilahi tawfiiq

    ReplyDelete
  6. walaal maxaa keena dhawaaq sida dhuusadda oo kale farjiga ka yimaada siiba marka galmada foorarka ay socoto, ma jirraa keenta mase waa wax caadi ah plz jawaab degdeg

    ReplyDelete
  7. taas waxaa u badan naagaha ilmaha dhalay waxaa keena aariyada ka buuxsanta farjiga xiliga galmada wax dhib ah kuma jiro

    ReplyDelete
  8. Anonymous10/01/2012

    aad baan nigu mahadnaqaa shaqda wayn ee bulshada u qabanaysaan wllo anigo ah arday medical ah lkn still pre clinic ah waxan isku arkay maalmahan in penis ka aan ka dareemayo gariir aad ii gariirayo iyo dhaqdhaqaaq dhexdiisa ah markaa maxa keenay baa isleedihiin waxan rajaynaa jawab qiimo leh inaan niga helo waa mahadsantihiin

    ReplyDelete
  9. Anonymous7/23/2013

    ILA TALI WALAAL

    asc wr wb
    waxan guursaday nin igana ag single father aniganae single mother,waa north america. isagu wuxuu xaas iyo caruur uga soo tagay kenya waana suju.ayaamihi hore wuu ficnaa wuxuu shaqo u aaday gogobl kale uuna imaadaa 3 bil mar.marka mida iga cajibisay baa ah weli dhalo catar ah iima garan inuu i siiyo.haduu wax i siiyano waa anigoo weydiista waqti dherna ka suga.markuu ila joogo waa caadi maalinkuu shaqada ku laabto waa nin aanba is aqoon ee ima soo wacaayo xitaa.waxaana ku guursaday isagoo waxba haysan.hadana lacag badan uu suubiyaa allaha u barakeeyee.wuxuu bilaabay inuu i dhoho ima jeclaan kartid ilmana iima dhalaysid.hada waxaan is qabnaa ku dhawaad 2 sano walalakeey weliga ii ahaana markuu la hadli rabay tellka kama qabanaayo kumana celinaayo.dhaqaale aduun waxba maaha waa layska heli karo ama loo sabri karo.nin ku qaba hadana an ka warqabin inaad jirto noolashay jiran tahay caafifmaad qabto,shareecada islaamku maxay ka qabtaa.maxaase igula talin laheydeen idinkoo mahadsan wabillaahi towfeeq


    ReplyDelete
  10. Anonymous7/24/2013

    wcs wr wb walashey aniga gabar somaaiyeed ban ahay oo xaas ah runtiii waxaan ilaahay kaaga baryayaa in uu qalbigiisa kuso jeediyo haduu kheyr kuu yahay hadii kale ilaahay bananka kaa mariyo. abaayo guurka waa in la isku faraxsanaado waana waajib in uu xag dhaqaale, caafimaad kalgaceylba kaaga warqabo adigana aad markaas u noqoto mid adeecda kana danbeysa. qaaliyeey guurka farxadiisa waa in uu ninka helo gabar adeecda kana danbeysa xushmeysa gabadhuna waa in ay hesho sey jecel dhaqaaleeya xanaaneya koolkooliya xushmeeya qadariya la tashado kana hormariyo waxkasta xataa awlaadiisa inleee waa maridiisa oo afar dab bay ka haysaa uusan awoodin in uu haayo asagu. marka abaayo samir ilaahayna bari in sida kheyrka idin waafajiyo waan ka calool xumaada markaan arko ama maqlo gabar ninkeeda uu xumeynaayo. xadiiskii rasulka xagee raggu ka galayaan ( war ragoow hadii xaasaskiina aad ku necbaysataan shey waxaa jira waxyaalo kale ooo idinka raaligelinaayo war ragoow dumarka u dardaarma wanaaga sababtoo ah waxay agtiina ku yihiiin xabis farjigooda magac rabbi baad ku xalaashateenee wanaajiya gabdhaha) wabilaahi tawfiiiiiiiiiq ilaahay

    ReplyDelete
  11. Anonymous7/28/2013

    asc wr wb walaasheey ilaahay hakaa abaal mariyo sida sharafta leh aad niyada iigu dhistay iiguna duceysay jazaakumullaah khayr

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post