Soomaalida dalalka reer galbeedka ka yimid oo biilabay inay anshax xumo ku sameeyaan xeebta liido

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Dadka qurbaha ka yimid gaar ahaan dumarka, kuwaasoo uu sheegay inay dalka la yimaadeen dhaqamadii xumaa ee dibada yaalay.

Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa ku eedeeyay Haweenka ka imaanaya qurbaha inay cowradooda banaanka taalo,isagoo sheegay inay isku heystaan dad dhaqan wanaagsan wata.

” Dadkiina qurbaha ka yimid dhaqan ma heysaanee ee anshax isku yeela, waxaad arkeysaa Haween dabaal u yimid Badda oo Baridooda ay muuqato ” ayuu yiri Tarzan.

” Qurbo joogta ka timid Mareykanka iyo Yurub, gaar ahaan Mareykan waxay isku heystaan inay dadka kale ka dhaqan wanaagsana yihiin, war dhaqan ma heysaanee adinkaa u baahan in la idin dhaqan celiyo ” ayuu si caro leh u yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarzan.

” Gabar Jirkeeda soo qaawisay ayaa waxy wiil la dhexmareysaa Xeebta Liido, bal fiiri sida ay anshaxa ugu dheelayaan, waa laga war qaba waxkasta oo ay sameynayaan ” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Tarzan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ciidamada Booliiska ku wargaliyeen inay soo xiraan gabadhii qaawan ee Bada Liido timaada, isagoo ku eedeeyay inay dbaqan xumo keenayaan Xeebta Liido.

” Ciidamada Booliiska Amar ayaan ku siinay inay soo qabtaan gabadhaha Baridooda soo qaawiya, dhaqan xumo ayay keeneen xeebta Liido,balse uma dulqaadan doono ” ayuu ku hanjabay Maxamuud Axmed Nuur Tarzan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la yaabay dhaqan qurba joogta.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post