In qofba qofka kale uu ixtiraamo waa
lagama maarmaan nolosha guurka, nabigeenuna aad ayuu ugu celceliyay
asagoo marna u jeedinayo haweenka marna ragga. Laakiin waxaad moodaa
dhinaca ixtiraamka in uu haweenka aad ugu bogaadiyay oo uu faray in
nimankooda ay xalaasha ku guursadeen aad u ixtiraamaan una ciseeyaan.
Xitaa heer wuxuu gaaray nabiga inuu yiraahdo “Hadii aan qof fari lahaa
inuu qof qof kale u sujuudo, waxaan fari lahaa naagta inay ninkeeda u
sujuudo”.
Dabcan Nabigeena AWC hadafkiisa ma
ahayn inuu dumarka liido, balse xikmad weyn ayaa ku jirta xadiiskan.
Maxaa yeelay sida dabiiciga ah, ninka raga ah markuu ixtriaam ka helo
haweenaydiisa, wuxuu ku jawaabaa inuu jeceylkiisa uu tuso, wuxuu kaloo
helaa xamaasad dheeraad ah iyo firfircooni u sahalysa tacab maalmeedka.
Sidoo kale haweenka markay ogaadaan jeceylka ninkooda uu u qabo, farxad
iyo kalsooni dheeraad ah ayaa soo galaya taasoo u sahlaysa howsha
guriga iyo tacabka caruurta.
Arinta muhimada ixtiraamku raggu u
leedahay waxaa xitaa baryahan aad taageeray reer galbeedka. Sida Dr.
Emerson Eggerichs oo mudo badan cilmi baaris ku sameeyay laba qeybood oo
ah (Jeceylka iyo Ixtiraamka). Markuu dhameeyay baaristiisa, warbixinta
uu ka jeediyay waxay tahay in raggu ixtiraamka sida hawada aan neefsano
ay ugu baahan yihiin, Haweenka jeceylka ninkooda sidoo kale ayay ugu
baahan yahiin.
Markay haweenayda tusto ninkeeda in
ay ixtiraamayso, tusaale ahaan markay dad kale isla fadhiyaan, wax
fiican ayay ka sheegtaa oo way amaantaa oo hoos uma dhigto. Ninkii
markuu maqlo hadalada wanaagsan iyo amaanta aad ayuu u kala badbadanaa,
tanina waxay ku dhiirigalinee inuu u sheego xaaskiisa dareenkiisa.
Hadaba tan micnaheeda aha in haweenka ixtiraam aanay u baahnayn iyo
raguna aanay jeceyl u baahnayn. Labaduba way u baahan yahiin, laakinse
waa u kala baahi badan yihiin oo raggu ixtiraamkay ka doorbidaan,
haweenkuna jeceylka ka doorbidaan.
Dhibaatada ugu wayn waxay tahay ragii
qaar oo aaminsan in xaaska la ogeysiinayo jeceylkooda uusan daruuri
ahayn, qaarna waa iskala weyn yihiin iyo qaarna waaba ka xishoodaan.
Raggu xitaa qaar baa aaminsan kulana taliya asxaabtooda inayan ogeysiin
jacaylka naagahooda ay u qabaan. Waxay ku andacoonayaan in hadii la
ogeysiiyo xaaska ay kuugu kor soconayso ama buur isa saarayso. Rag
qaarkii oo aad ugu fiican ayaa jiro in ay ogeysiiyaan jeceylka ay
xaaskooda u qabaan, laakiin dadka arkaya in ninkeeda u jajaban yahay
waxay ku xamanayaan in ay sixirtay oo aanay caadi ahayn.
Tusaale waxaa inoogu filan in
haweenku muhimad balaaran siiyaan in ay ogaadaan jeceylka ninkooda u
qabo. Sheekadi dhexmartay Caa’sha (Ummul Mu’miniin) iyo Nebigeena
suubanaa marka ay weydiisay ayadoo dhahaysa:
Rasuulka Allow, Jacaylka aad ii qabto siduu yahay?
Rasuulka Alle wuxuu yiri: “Jacaylka aan kuu qabo waa sida xarig todcan”. Micnaheeda waa mid xoogan.
Caaisha: Hada xariga siduu yahay?
Rasuulka Alle: Xariga waa sidiisa
(Wax is kama bedelin), Ilaahaan ku dhaartee, kama murgo goortaan
dhimanaya, markaan ogaaday adiga inaad xaaskeyga tahay markaan jannada
galno. Caa’isha markay maqashay hadalkan macaanta baday aad ayay ugu
faraxday.
Waxaa dhacaysa in raggu markay ka
gaabiyaan in ay tusaan jeceylkooda badanaaba haweenku waxay ku jawaabaan
dhaleeceyn, calaacal iyo ixtiraam la’aan. Raggana sidoo kale
markay ixtiraam ka waayaan haweenaydooda, qaar waa ismoogeysiinayaan,
qaarna muran ayay ku jawaabaan oo dabkii shidnaa ay dab kale ku sii
daraan Gurigoo dhan ayaa ciriiri noqda markay xaaladani jirto (Ijiid aan ku jiidee waa gacmo daalis).
Sida kaliya looga baxsan karo ciriirigan in labada qofood mid ka mid
ah hurdada ka koco uu rogo dabeecadiisa, sida ninkii inuu bilaabo tusida
kalgaceylka uu u qabo xaaskiisa. Ilaahayna qawm ma bedelo ilaa ayaga
nafsadoodi ay isbedelaan.
Laakiin waxaa muhiim ah inuu qofku
ogaado in markay haweenaydaada saa u calaacalayso ay tahay baahi jeceyl
iyo kalsooni daro dhinacaaga ka yimid, oo hadafkeeda uusan ahayn in
ixtiraam daro ay kula macaamilooto. Sidoo kale ninkaada markuu ku
go’doominayo uu ku inkiraayo, wuxuu ka ilmoonayaa gudaha oo u ooynayaa
ixtiraamkaada kamana aha inuusan ku jeclayn.
Waxaan kor ku soo xusnay muhimada
ixtiraamka iyo jeceylka u leeyahay nolosha guurka, waxaan hadana guda
galaynaa oo aan ku soo koobaynaa akhlaaqyada ama aadaabta suura galiya
ama kordhiya ixtiraamka iyo kalgacaylka ka dhexeeya labada is qabta:
- Ka dhig ninkaada Hogaamiyaha guriga:
Dawrka hogaamiyanimada ilaah baah
ninkaaga qur’aanka ku siiyay mana ahan mas’uuliyad sahlan. Laakiin
ogalaanshahaaga iyo taageeriista hogaanka ninkaaga waxay u dhigantaa
adoo tiri ilaahow waan ku maqlay waana ku adheecay. Raggana waxay si
fiican u hogaamiyaan markay xaaskooda u ogalaadaan una sahlaan inuu
hogaamiyo. Soomaalina waxay tiraa “Dooni laba naakhuude leh way
jabtaa”. Marka aan ninka fursad la siin, qaarkii waxay ku jawaabaan in
ay isaga dhex baxaan maamulka, qaarna muran ayay galaan oo u sii
horseedaya iska hor imaad burburinaya guriga ,saameyna ku yeelanaya
korsiimada caruurta arkaysa iska hor imaadkaas.
Tan micnaheeda ma aha in haweenka
yiraahdaan mishaakilkaana jira, adiga kaligaa xali. Waxaa haboon inaad
dhahdo, arintaana jirto sideey kula tahay, oo maxaa damacsan tahay.
Adiga ra’yigaaga ka dhiibo kuna dheh adiga wixii kula haboon sameey
waana kugu garab galayaa (Laakin arintu waa inay diinta aan ka
baxsnayn). Hadaladaan oo kale ninka aad ayay u dhaqaajisaa oo u farax
gelisaa, jacayl dheeraadna way ku abuurtaa. Ninka ragga ahina waa inuu
mas’uuliyada hogaanka ka soo baxaa, hogaankana ma aha intaad kursiga
guriga fariisato oo aad amar kaliya bixiso. Hogaamiyaha dhabta ah, waa
kii u adeega danaha reerkiisa, dulqaad badan, tashada oo naxriis badan.
Tusaalooyin badan ayaa jira oo rag ku faana, markay guriga soo galaan
in qof walba (caruurta iyo xaaska) ay baqaan uu guriga shib uu noqdo.
Waa astaan hogaan xumo ah oo mustaqbalka dhibaato abuuraysa.
- In aadan hoos u dhigin lamaanahaaga:
Markaad dad kale dhex joogtaan in
aadan isku jeesjeesin, oo qofba qofka kale wax fiican ka sheego.
Tusaale ahaan, in marka xaaskaaga ay reerkaaga dhex joogto inaad wax
fiican ka sheegto, hadii la gardareysto ama hadal lugu duro inaad
difaacdo. Sidoo kale, haweenayda in ay dad ka hortooda ku sheegin
ninkeeda ceebihiisa iyo meeluhuu ka liito. Raggana dad hortooda lugu
ceebeeyo, aad ayay uga dhintaan sida Soomaalidu tiraa “Rag ciil cadaab ka doora”’.
In qofba qofka kale taageero markay dhibaato jirto.
Umul Mu’miniin, Khadiijah aad ayay u
garab istaagtay oo u taageertay nabigeena AWC oo ay soo food saareen
dhibaatooyin aad u culus markuu Makah joogay. Geerideedana Nabigeena
aad ayuu ugu murgooday, mana iloobaynin inuu sheego waxyaabihii ay u
qabatay. Ragga sidoodaba waxay u kala dheereeyaan siday u kala naago
fiican yihiin siday Soomaalidu ku maahmaahdo “Rag naagaa is dhaafshay”.
Ninka qaba naagta hufan oo xil kasta ah wuxuu dheereeyaa raga kale.
Dabcan, sidoo kale haweenayda nin hufan qabta waa ka dheereysaa haweenka
kale, kalsoonideedana waa sareysaa
Fadlan walaalayaal, hadii maqaalkani
aan ku sheegay wax khalad ogow wuxuu ka yimid nafsadayda daciifka ah iyo
sheydaanka, wixii fiicana waa ilaahay xagii, mahad weyna asagaa iska
leh. Waxaan kaloo idiinka codsanaayo inaad ducadiina iga iloobina.
WQ: Bazi Bussuri Sheekh articles: maqal.gif
bazisomali@hotmail.co.uk
khadiija home
bazisomali@hotmail.co.uk
khadiija home