Wasiirka arrimaha dibadda dalka Qadar oo Soomaali liiday

Dalka soomaaliyeed iyo shacabka somaalieed ayaa waxay noqdeen tusaale xun marka la soo qaadanyo burubur iyo dagaal waxaa la soo qaataa soomaaliya, saan ognahay marka ay dhaceen koacdoomada dalalka carabta madaxweyne kasta wuxuu dadkiisa uga digayay inay soomaali oo kale noqdaan, taasna waxaa sabab u ah kursijacaylka iyo qabyaaladda nagu dhex faaftay ilaa aan gaarno inaan ruuxa ku jeclaano qabiilkiisa ama aan ku nacno reerkiisa, wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Qadar Xamad bin Jaasim Aalthaani ayaa wuxuu yiri isagoo jooga dalka jordan shir loogu qabanayay Siiriya sida la ii soo dhoweeyay xitaa looma soo dhaweeyo wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya wuxuu ka wadaa haddii shirka uu joogi lahaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaali xitaa sidaas looma so dhoweyn lahayn sida isaga loo soo dhoweeyay, taas ay dad badan u arkeen inuu meel weyn kaga dhacay dalka soomaaliya, taasna annaga ayaa keensanay inay reer baadiyeaashan oo maraykanka raranaya nagu xadgudbaan
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post